Araweelo News Network

Kenyan opposition leader Raila Odinga waves at supporters as he leaves the Supreme Court in Nairobi on September 1, 2017. (Photo by AFP)

Nairobi(ANN)-Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga, ayaa ku hanjabay in aannu ka qeybgeli doonin doorashada madaxtinnimada ee lagu celinayo oo loo asteeyay bisha Oktoobar ee foodda innagu soo haysa, kadib markii Maxkamadda sare ee dalka Kenya laashay natiijadii muranka dhalisay.

 

 

Odinga, wuxuu sheegay inuu u baahan yahay dammaanad qaad dhinaca dastuurka ah, balse sharxaad kama bixinin nooca dammaanada uu doonayo, wuxuuna sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo maanta uu kaga hadlay arrintaa doorashada lagu celinayo, isagoo xusay inuu doonayo in doorashadan lagu qabto jawi oggolaanaya in sixitaan lagu sameeyo wixii ka khaldamay doorashadii hore.

 

“Waan ognahay wixii uu sameeyay guddiga IEBC doorashadii u dambeysay, waan ognahay in aannay waxba isbadeli doonin haddii aynu ku laabano doorasho kale. Waana taasi sababta aannan uga qeybgeli doonin doorashada 17 Oktoobar,” ayuu yidhi Odinga.

 

Dhinaca kale war qoraal ah oo kasoo baxay IEBC,  ayaa lagu sheegay in murrashaxiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka hoggaamiya iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ah murrashaxa  xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.

 

Doorashadaasi dhacday August 2017, waxa natiijadeeda ku dhawaaqay Komishanka oo sheegay 54% codadkii la dhiibtay uu ku guuleystay Madaxweynaha hadda xilka haya Uhuru Kenyatta halka Odinga uu helay 44%.

 

Murrashaxa Hoggaaminaya isbahaysiga NASA, Raila Odinga, ayaa natiijadaa ku tilmaamay mid khaldan, isagoo ku dooday in musuqmaasuq dhacay, waxyna arrintaasi keentay in todobaadkii lasoo dhaafay maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya waxba kama jiraan ka dhigto natiijada codbixintii dhacday, iyagoo sheegtay in guddiga doorashooyinka ee IEBC, aannay u qabanin doorashadaasi si waafaqsan dastuurka. Sidaa awgeed dib loogu celiyo dooradhada Oct, 2017.

 

Go’aanka maxkamadda, waxaa aad u bogaadiyay mucaaradka iyo beesha caalamka qaarkeed, iyadoo ay dalkaa ka dhaceen mudaaharaadyo waawayn oo lagu taageerayo, Balse madaxweyne Uhuru iyo xisbiga Jubilee, ayaa go’aanka ku tilmaamay mid siyaasadaysan, haseyeeshee waxay sheegeen in ay aqbaleen go’aanka maxkamadda sarre.