Araweelo News Network

Boorama(ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ka codsaday dhallinyarada aqoonyahanka ah iyo muwaadiniinta reer Somaliland inay codka siiyaan si uu ugu guulaysto doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan inay dalka ka qabsoonto 13 November 2017.

Eng. Faysal Cali-waraabe oo ku guul-darraystay doorashooyinkii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoomay sannadihii 2003 oo uu ku guulaystay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo 2010-kii oo la doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.

Hasa yeeshee, murrashaxa UCID oo khudbad ka jeediyey xaflad qallin-jabin ah oo loo sameeyey Arday wax ka baratay Jaamacadda Cammuud ee magaalada Boorama , waxa uu codsaday in doorkan codka la siiyo si aannu mar saddexdaad u guul-darraysan.

“Doorasho fiican ayaa inoo dhacaysa, Insha Allaah, bisinka u qabta oo isbeddelka keena. Labadan xisbi (KULMIYE iyo WADDANI) labaduba waa xukuumad oo anniga ayuun baa mucaarid ah ee mar saddexaadka ha i ridinna marka la gaadho doorashada oo wallaalayaal waa ceeb in aad mar saddexaadka i riddaan oo haddii ay Rayaale iyo Silaanyo fuleen, anniga ayaa laynka ku jiree qolooyinkan (murrashaxiinta KULMIYE iyo WADDANI) gadaal iga soo qabsada ayaan leeyahay,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

Waxa kaloo uu sheegay inuu doonayo sidii dalka Somaliland looga dhigi lahaa waddan casri ah oo ku shaqeeya sharciga iyo kala dambaynta, waxaannu yidhi; “Waxa aynu doonaynaa in aynu dalkan (Somaliland) ka dhigno dal casri ah oo qabiil ka baxsan oo aynu la jaan-qaadno qarnigan 21aad. Habkan aynu hadda ku jirnaa maaha hab lagu samaynayo horumar oo xaataa sharcigii iyo kala dambayntii (law and order) ayaa innaga lumay oo innaga xumaaday, waxaanna innaga xumaaday kala dambayntii iyo borotakoolkii oo sharcigii ayaan shaqaynayn, waxaanan doonaynaa in aannu dalkan ku soo celino ku dhaqanka sharciga.”

Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID, ayaa iftiimiyey in aan qabyaalad lagu dhisi karin qaranka Somaliland, waxaannu yidhi; “Dalkeennu waa hodan oo maskaxdiisuna way saraysaa oo dadkiisu waa xarfaan (very intelligent), waana in aynu qaran yeelano, qaran la’aana waxba noqon mayno, qabiilna qaran dhisi maayo, waxaanan idinka codsanayaa aynu bahashan qabyaaladda ah iska suulinno oo aynu dawladnimo samaysanno ah in dadka reer Somaliland helaan xuquuq siman oo waxa aynu doonaynaa in aynu dhisano dawlad iyo qaran laga wada dhexmuuqdo, loona wada dhan yahay, Insha Allaah, waxaanan doonaynaa in dhallinyartaay aad taas nagala shaqaysaan.”

Waxa kaloo uu sheegay inuu diyaar u yahay sidii xisbiga UCID ay ula shaqayn lahaayeen dhallinyarada mabaadii’da leh, aqoonyahanka ah ee aan ku fikirayn inay qaadka oo qudha cunaan.

“Wallaalayaal, waa in aynu isbeddel keeno oo aynu dhisano dawlad casri ah oo wax la qaybsata adduunka oo aanay xoolahoodu ka dhoofin Jabuuti, carruurtooduna tahriibin, taas in aynu samayno ayeynu doonaynaa, Insha Allaah. Markaa waxa aan idiinka magan ahayn in aynu la dagaalano bahashaas qabyaaladda ah iyo qaadka, hablahana waxa aan leeyahay ha guursanina nin qaad cuna ee waxa aannu diin dhisi doonaa jaamiciyiinta,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.