Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Saddexda xisbi Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa baaq wadajir ah ka soo saaray shaqaaqo ka soo cusboonaatay deegaanno hoosyimaada degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag oo dagaal u dhexeeya laba beelood oo wada dega uu ka bilaabay Khamiistii toddobaadkan.
Masuuliyiinta saddexda xisbi qaran oo shir jaraa’id oo wadajira ku qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay u kala hadleen Guddoomiyayaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI – Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax, waxay baaq culus oo nabadeed u direen beelaha walaalaha ee colaaddu u dhaxayso oo ay ka codsadeen inay joojiyaan dagaalka aan macnaha ku fadhiyin ee khasaaraha iyo dhibta ballaadhan u leh bulsho ahaan iyo dal ahaanba Somaliland, isla markaana waxay u hogo-tusaaleeyeen in aanay iloobin waxa isu-ahaanshaha, wadajirka, wanaagga nabadda iyo guuldarrada laga dheefayo sii socoshada dagaalka.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha iyo murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka hadlayey baaqa xisbiyada waxa uu yidhi, “Waxaannu si wadajir ah ugu baaqaynaa walaalaha wada degan deegaanka Ceel-afwayn ee ehelka ah ee ilma-abtiga ah, ee xididka ah in la joojiyo colaadda, dagaalka iyo cunfiga oo la soo celiyo nabadda iyo walaalnimada, waxaannu ku adkaynaynaa shacabka wada degan dhulkaas inay caqliga soo celiyaan oo ay nabadda ka taliyaan, wixii dhintay Ilaahay ha naxariisto, qof qudha kama maarano Somaliland oo innagaga dhinta nabadgalyo-darro iyo caqli-darro.
Xukuumadda Somaliland iyo ciidammada Qaranka waanu ku bogaadinaynaa doorka ay ka ciyaareen nabadaynta, waxaannu iyagana ku xoojinaynaa in inta nabad la helayo la xoojiyo nabadgalyada.”
Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu tilmaamay khatarta colaaddani ku keeni karto habsami-u-socodka hawlaha loogu diyaargaroobayo doorashada madaxtinimada ee ay ka mid tahay kaadh qaadashadu, “Waxaynu ku jirnaa hawlo qaran oo aynu ognahay maanta inay culays badan innagu hayaan oo ah qaadashada kaadhadhka codbixinta oo Gobollada Sanaag iyo Sool ka bilaabaya markay dhammaadaan labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer oo ay u hadhsan tahay hal toddobaad oo keli ahi, waxaynu u baahannahay in aynu nabad ku qaadano kaadhadhka, wax kastaana waxay innagaga xidhan yihiin nabad, markaa waa in aynu nabadda soo celino, axsaab ahaan waxa naga go’an in aannu nabadaynta si buuxda uga qaybqaadanno oo baaqani ugu horreeyo, dhammaan qaybaha bulshada ee ku hawlan arrintaasina aannu gacan siinno hadday tahay Guurtida, madaxda dhaqanka, ciidammada iyo xukuumaddaba,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna ka dalbaday labada beelood inay joojiyaan dirirta oo ay ka shaqeeyaan maslaxadda iyo wanaagga, “Baaq nabadeed ayaan u dirayaa beelaha walaalaha ee degmada Ceel-afweyn ku dagaallamaya, dadkaasina waa dad dhaleeya ah oo waxay yihiin aan maanta la isu sheegaynin, dad kala maarmaya oo meel kala tegayana maaha, Ilaahay baana meesha ku abuuray, muddo sanad iyo dheeraad ahna colaad dheer bay ku jireen, waxaana ku dhacay khasaare weyn oo dhimasho, barokac, colaad iyo caydh ba leh, qarankana naxdin weyn bay ku tahay inuu maanta haddana dagaal kale ka bilaabmo halkaas,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu baaq u diray qaybaha bulshada ee kala duwan, “Qaranka oo dhanna haddii ay tahay madax-dhaqameed, baayac-mushtar, culimo iyo dhallinyaroba maanta nin kasta oo saddexda xisbi taageeraya amaba taladooda raacaya waxaannu ka codsanaynaa inuu u jeedsado nabadaynta dalka oo dhan, gaar ahaan tan maanta wax ka qabashadeeda, waayo colaaddaasi waxay leedahay weji aad khatar u ah, waxaanay u baahantahay in loo gurmado.”
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu xusay inay arrintan xisbiyo ahaan kala hadleen madax kale oo qaranka ka tirsan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo kulan ay la yeesheen kaga wadahadleen sidii loogu gurman lahaan daminta colaaddan.
Dhinaca kale, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Md. Cabdinaasir Yuusuf Qodax, ayaa isna tilmaamay sababta xisbiyadu arrintan wadajirka ugaga hadlayaan, waxaannu yidhi, “Inkastoo xisbiyada taran gudaha ahi ka dhexeeyo, laakiin arrimaha qaranimada iyo wixii nabadgalyo-darro dalka u soo jiidaya isku mid baanu ka nahay, nabadgalyada iyo wadajirka shacabka reer Somaliland, kumana kala tagno wixii qaran ee danta guud ah. Sidaas darteed, haddaanu axsaabta qaranka waxaannu baaq nabadeed halkan uga diraynaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay degmada Ceel-afwayn oo aannu leenahay walaalayaal joojiya dhiigga, colaadda iyo xabbada.”
Md. Cabdinaasir Qodax waxa uu dib u xasuusayey bulshada deegaannada Ceel-afweyn ee dagaalku dhexmarayo xannuunkii iyo dhibtii ay soo mareen waqtigii abaarta darani ka dhacday dalka, “Maanta markii Ilaahay nimcadiisa inoo shubay ee aad barwaaqowdeen halkii aad Ilaahay uga mahadnaqi lahaydeen inaad haddana xabbad, colaad iyo dhiiggii daadisaan waa arrin gef ah. Hore waatii Somaliland oo dhan u gurmatay ee nabadda lagu kala saxeexday, inay soo noqotoba may ahayn runtii, markaan waxaan idiin soo jeedinaynaa inaad joojisaan colaadda iyo nabadgalyo-darrada oo aad soo celisaan nabaddii iyo walaaltinimadii aad ku noolaydeen,” ayuu yidhi Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee UCID.