Araweelo News Network

Antonio Guterres

Qudus (ANN)- Qaramada Midoobay, ayaa cambaaraysay xad-gudubyo ka baxsan bani’aadanimada oo dawladda Yuhuuddu ku dhibaataynayso dadka Muslimiinta ah ee reer Falastiin.
Shacabka Muslimka ah ee reer Falastiin oo dhigaya mudahaadyo ay kaga soo horjeedaan ciidammada dawladda Israa’iil oo xannibaad ku soo rogay ku tukashada masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa ee ku yaal magaalada Qudus, ayaa la kulmay xad-gudubyo ay gasanayaan ciidammada Yuhuuddu oo isugu jira dil, xadhig iyo dhibaatooyin kale oo xadka ka baxsan.
Isu-soo bax ballaadhan oo Muslimiintu ka dhigeen agagaarka masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa salaaddii Jimce kadib markii Israa’iil amartay in laga horjoogsado ragga da’doodu ka yartahay konton jirka in ay ku tukadaan salaadda Jimcaha barxadda masaajidka, ayaa isu rogay dhiig iyo dhibaato culus kadib markii ciidammada Yuhuuddu ku fureen rasaasta nool oo ay markiiba ku dileen ugu yaraan saddex qof oo dhammaantood rag dhallinyaro da’doodu u dhaxaysay 17 ilaa 20 jir, halka ay ku dhaawaceen 450 qof oo kale, iyadoo in ka badan labaatan kalena la qabqabtay oo lagu guray xabsiyo Israa’iil leedahay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa si adag u cambaareeyey falka dilka ah ee ay gaysteen ciidammada Israa’iil, waxaannu ku baaqay baadhitaan lagu sameeyo arrintaasi.
Waxa kaloo uu ugu baaqay hoggaamiyayaasha Israa’iil iyo Falastiin inay joojiyaan ficillada sii hurin karaya qalalaase hor leh oo uga dara xaaladda magaalada Qudus, isla markaana in la ixtiraamo goobaha diinta oo aanay noqon kuwo dhib horseeda.
Dhinaca kale, Booliska Israa’iil waxa uu sheegay in weerar uu soo qaaday qof Falastiini ahi uu ku dilay saddex Yuhuud ah deegaanka Daanta Galbeed, iyadoo warbaahintooduna ku warrantay in mudaharaadka lagu dhaawacay afar askari oo ciidammada Israa’iil ah.
Dhinaca kale, Dalalka Islaamka ee kala ah Turkiga, Masar, Qadar, Sucuudiga iyo Lubnaan oo ka cadhooday tacadiyada Yuhuuddu ku hayso Muslimiinta reer Falastiin ee laga horjoogsaday inay ku cibaadaystaan Masjidka Al-Aqsa, ayaa farriimo isugu jira digniin iyo baaq u diray dawladda Israa’iil.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar oo war ka soo saartay arrintan, ayaa dawladda Israa’iil ugu baaqday in aanay ku kicin waxaan macquul ahayn oo xaaladda gaadhsiiya meel halis ah oo meesha ka saara wadahadalladii nabadda ee socday.
Masar waxay cambaaraysay dilka ciidammada Israa’iil ee dadka rayidka ah oo ay ku macnaysay inay adeegsatay xoog ka baxsan xadka, isla markaana waxay uga digtay dawladda Yuhuudda inay khatarta ka soo waajahaysay xaaladda ay dabka ku sii shidayso ee dadka reer Falastiin iyo guud ahaan dunida Muslimka ee ah inay horjoogsato xorriyadda diinta Islaamka.
Amiirka dalka Qadar Amiir Tamim bin Xamad, ayaa isaguna sheegay inay dhibta la qaybsanayaan oo ay garabtaagan yihiin walaalahooda Falastiin, isla markaana tallaabadan ay samaysay Israa’iil tahay mid midaynaysa Muslimka.
“Waxaan rajaynayaa in waxa ka dhacaya Al Qudus ay tahay mid keeni karaysa oo dhiirrigelinaysa midow halkii aannu kala qaybsami lahayn,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyey maamulka Israel inuu awood xad-dhaafa u adeegsaday isku dhaca dhexmaray ciidammadooda iyo Falastiiniyiinta.