Araweelo News Network

Idaacadda BBC-du waa hay’ad warbaahineed oo Ingiriis ah, taas oo ku wajahan gudaha Ingiriiska iyo adduunweynaha intiisa kale, waxa lagu tilmaamaa inay markii hore aasaaseen koox shirkado ganacsi ah oo loo yaqaanay The British Broadcasting Company amma shirkadda Warbaahinta Ingiriiska taariikhdu markii ay ahayd 18 October 1922-kii, laakiin muddo kooban ka dib waxa si rasmi ah ula wareegtay dawladda Ingiriiska, waxaana magaceeda loo soo gaabiyey British Broadcasting Corporation (BBC) amma Shirkadda warbaahinta ee Britain, waxa agaasimihii ugu horeeyey ka noqday nin injineer ahaa oo lagu magacaabi jirey John Reith, dad badan oo reer Ingiriis ahna u yaqaanaan aabbaha warbaahinta madaxabannaan ee Ingiriiska.
Taariikhdu markii ay ahayd 19 December 1932-kii, ayaa idaacadda BBC-da laga dhigay mid adduun weynaha la hadasha, iyadoo sida la tilmaamo lagu aasaasay xeerka boqortooyada (Royal Charter), arrintaas oo macneheedu yahay inay u shaqayso sidii idaacad ka madaxbannaan dawladda Ingiriiska.
Idaacadda BBC-da oo muddo aad u badan sii deynaysay warbixino kala duwan waxa lagu majiirtaa inay ka qaybqaadatay arrimo badan oo dhinaca ammaanka, dhaqaalaha, waxbarashada iyo maaweelada ah, inta badan siyaasiyiinta adduunku waxay aaminsan yihiin inay door weyn ka ciyaartay isku xidhka adduunka, sida u sheegay xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay sannadku markuu ahaa 1999-kii oo uu BBC-da ku tilmaamay Hadiyadii ugu weyneyd ee Ingiriisku u hibeeyey adduunweynaha qarnigii labaatanaad.
Idaacadda BBC-da waxay ku hadashaa waqtiga xaadirka ah in ka badan 27 luqadood oo ay ka mid yihiin:American English, Scottish Gaelic, Arabic, Azerbaijani, Bengali, Burmese, Cantonese, French for Africa, Gujarati (oo la sameeyey 2017), Hausa, Hindi, Igbo (oo lag dhawaaqay 16 November 2016) , Indonesian, Kinyarwanda, Kirundi, Kyrgyz, Marathi (from mid 2017), Nepali, Nigerian Pidgin (oo lagu dhawaaqay 23 November 2015), Punjabi (oo la sameeyey 2017), Pashto, Persian, Portuguese for Brazil, Russian, Sinhala, Somali, Spanish for Latin America, Swahili, Tamil, Telugu (oo la sameeyey 2017), Turkish, Turkçë, Ukrainian, Urdu, Uzbek, Vietnamese iyo Yoruba (oo lagu dhawaqay 23 November 2015).
Waxay idaacadani ku caan tahay weriyayaal iyo shaqaale tiro badan oo adduunka daafyihiisa kala jooga, kuwaas oo tiro-koobkii u dambeeyey ee ay soo saartay BBC-du lagu sheegay inay gaadhayaan 21000 (kow iyo labaatan kun oo shaqaale ah), laantii ugu horeysay ee ajanabi ah waxay ahayd laanta Afka Carabiga oo sannadkii 1938-kii la billaabay, waxaanna ku xigtay laanta Af Jarmalka ku hadasha, kadibna waxa halkaa ka billaabay inay kolba laani ku soo biirto.
Sannadkii 1994-kii ayey idaacadda BBC-du samaysay barnaamijka wadaaga ah ee loo yaqaano Online, lacagta ku baxda waxay dawladda Ingiriisku ka bixisaa cashuuraha la saaro warbaahinta kale oo qiyaas ahaan lagu sheegay inay gaadhayso 66 milyan oo lacagta Ingiriiska ah, waxase sannadihii ug dambeeyey soo foodsaaray caddaadis dhinaca dhaqaalaha ah oo keenay inay dhinto qaar shaqaaleheeda ka mid ah ay yareyso barnaamijyo badan oo ay daafaha adduunka ka qaban jireen.
Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Mr. Nelson Mandela wuxuu ku tilmaamay idaacadda BBC-du inay ahayd mid ka mid ah qoddobdii aasaasiga ahaa ee dhibtii ka saaray Koonfur Afrika. waqtigan xaadirka ah waxa jira dhaleecayno badan oo loo jeediyo BBC-da, waxaana ka mid ah sannadkii 2014-kii inay dad badan oo mudahaaradaya isa soo dhoobeen wajahada hore ee guriga BBC-da, iyaga oo ku dhaleeceeyeyn inay dhegeha ka furaysatay dhibaatadii ciidamada Israa’iil gaadhsiiseen dadka reer Qasa oo warbaahinta adduunku si baahsan uga warrantay.
Sidoo kale, madaxa xisbiga muxaafidka ah Ingiriiska ayaa sannadkii 2015-ka ku eedeeyey inay BBC-du dhinac u xaglinayso doorashooyinkii Ingiriiska. waxyaabahaas oo keenay inay dad badan dib uga fadhiistaan ku kalsoonaantii badneyd ee ay u hayeen.
Culaysyada ugu waaweyn ee idaacadda BBC-da soo maray waxa ka mid ah markii dawladda Ingiriisku ay taageertay amma la dagaal gashay saaxibadeeda Faransiiska iyo Israa’iil ee ay weerarka ku qaadeen dalka Masar, markaas oo BBC-du ay taageertay dadweynaha Ingiriiska ee diidanaa dagaalkaas.
Meelaha aadka loogu majiirto waxa ka mid ah inay si cajiib ah uga warrantay dagaalkii labaad ee adduunka, arrimaha Bariga Dhexe iyo dhacdooyinka kala duwan ee maalinlaha ah ee adduunka ka socda, iyada oo door weyn ka qaatay inay wararka ku gaadhsiiso dadyawga adduunka luqado kala duwan oo aanay kula tartami karin idaacad kale.
Laamaha kale ee ka baxa waxa ka mid ah laanta Afsoomaaliga oo la billaabay taariikhdu markay ahayd 18 July 1957-kii oo oo lix maalmood ka hor looga dabaaldegay caasimadda Hargeysa sannad-guuradoodii lixdan sannadood ee u buuxsamay.
Haddaba, laga soo bilaabo hayaanka dheer ee idaacadda BBC-du ku jirtay guud ahaan waxay laanta Af-Soomaaligu ka mid ahayd hawshaas waxase laantan weheliyey isbeddelo siyaasadeed oo xasaasi ah iyo ilbaxnimo koobnaan dadka Soomaalidu kaga duwan yihiin ummadaha kale ee shaqooyinka isku midka ah hayaan.
Odayaashii ugu horeeyey ee Laanta Af-Soomaaliga ka shaqeeyaa waxay shaqada ku billaabmeen si waayeelnimo ah oo aan turxaan lahayn, waxa marba marka ka dambeysa iskugu tegeyey rag awoodooda aqooneed sareyso, gaar ahaan aqoonta ay u leeyihiin luqadda Ingiriisiga oo wararka iyo barnaamijyada ay si toos ah uga turjumayeen luqadaas, maadaama aanu jirin far Soomaali ah la adeegsan karaa.
Hadalkii ugu horeeyey waxa sii daayey Xaaji Cabdi Ducaale oo yidhi; “Halkani waa London oo idinkala hadlaysa laba mawjadood oo gaaban kow iyo tobanka iyo saddex iyo tobanka.”…Intaa wixii ka dambeysayna dadku waxay la qabsadeen inay maalin walba u diyaar garoobaan wararka idaacadaas, waxay noqdeen dad macmiil u ah dhegeysiga laanta Af-soomaaliga, sidoo kalena waxay la dhacsanaayeen intooda badan ragga halkaa ka hadla oo ilaa maanta la hadal hayo awoodoodii, laakiin waxa aanu shaki ku jirin inay arrintaasi sababtay iyada oo aanay jirin idaacad amma telefiishan madaxbannaan oo Soomaalidu wax ka dhegeysato siday ka murkhaati kaceen rag badan oo idaacadaas ka soo sheqeeyey, sida Marxuun Cawke oo kale.
Haddaba, dhawr iyo labaatankii sanno ee u dambeeyey laanta Af-Soomaliga ee BBC-da waxa ku dhacay rifan iyo lisan aad u xoog badan oo waxa iskaga dareeray odayaashii waaweynaa ee muddada dheer soo waday shaqadaas oo ay ka mid ahaayeen Siciid Cali Muuse, Axmed Xasan Cawke, Aaden Nuux Dhuule, Cabdisalaan Hereri iyo rag badan oo kale.
Markii u marxuun Cawke ku biiray idaacadda VOA-da ayaa warraysi laga qaaday la weydiiyey maxaad uga tagtay BBC-da, waxaanu ku tilmaamay inaanu qofna joogi karin meel la majaro habaabiyey, hadaladiisana waxa ka mid ahaa; “Hibada Ilaahay ku siiyey haddii aad soo bandhigi kari weydo oo sida wax loo wada ay tahay si qaloocan waxay kugu kelifaysaa inaad meel kale u digo rogato…”
Waqtigaa uu marxuum weriye Cawke sheegayo waxa masuul ka ahaa idaacadda wariye Yuusuf Garaad oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, kaasoo uu barnaamijka Kaftanka siyaasadda ee Cali Xaraare daadihiyo u ku tilmaamay isaga oo wasiirka arrimaha dibbeda ee Soomaliya ah uu moodayo inuu ku jiro qolkii yaraa ee BBC-da ee u dadka ku canananan jirey, sababtuna ay tahay Wasiir Garaad oo cannaantay in ka mid ah wariyayaasha isaga oo shir jaraa’id ku qabanay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde oo wiilkii yaraa ku yidhi; ‘waaryaahee, maxaad faraha iigu soo fiiqaysaa.?
Sida u Cali Xadhaadhe hadalka u dhigay waxay tilmaamaysaa inay jireen arrimo badan oo ku gedaanaa ninka madaxda ka ah idaacadda oo awoodii shaqada u adeegsan jirey dano gaar ah, tusaale ahaan dadka qaar ayaa ku eedeeyey Mr. Garaad inuu idaacadda ka dhigay jaranjarada u siyaasadda u fuulayo.
Sidoo kae dadka qaar ayaa qaba inuu Yuusuf Garaad ahaa nin la daadegey miisaankii idaacaddu lahayd, inkasta oo ay soo bexeen waqtiyadiisii idaacado iyo telefiishano dadka warar badan siiya oo yareeyey inay war ka sugaan BBC-da oo keliya, dhinaca kalena waxa aad loogu cannaantaa Yuusuf Garaad inuu idaacadda ka soo buuxiyey dad aan xirfad badan iyo aftahamo toona lahayn oo isaga ay is xigaan amma dano kale ka dhexeeyaan, taasoo qayb ka noqotay hoos u dhaca ku yimmi dhegaysiga idaacadda BBC-da, laanteeda Afka Soomaaliga.
Source; beershiya.com