Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa farriin baaq ah u kala dirtay madaxda xisbiyada qaranka Somaliland iyo taageerayaashooda kala taabacsan xilligan loo diyaargaroobayo doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan inay dhacdo 13-ka bisha November 2017.
Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Daakhiliga Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlay dhacdooyin weerarro la sheegay inay taageerayaal xisbi ku qaadeen xarumo iyo gaadiid xisbi kale leeyahay, ayaa ugu baaqay madaxda axsaabta inay wacyigelin siiyaan dadka kala taabacsan, “Runtii waa dhacdo fool-xun oo aynaan u baran oo aan ina soo marin, waxaan madaxda xisbiyada leeyahay ku dadaala inaad dadkii wax u sheegtaan oo wuxu doorasho tahay, doorashana tartan tahay sida ciyaaraha oo kale laba kooxood oo ciyaaraya, raad ma reebto oo Somaliland intii doorasho ee ka soo dhacday waad garanaysaan mid walba sidii looga baxay iyo wanaaggii ay ku dhammaatay, markaa madaxda xisbiyadu ha la hadlaan dadkooda oo ha u sheegaan in aanay waxan dadka qaar ku kacayaan dhaqankii xisbiyada ahayn,” ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta.
Wasiirul-dawluhu waxa uu sheegay in ay xidhanyihiin xubno ku eedaysan inay ka dambeeyeen dhacdooyinkaasi, waxaannu yidhi, “Dadka tallaabooyinkaasi foosha xun doonaya inay sameeyaana dawladdu indho-dheer bay u leedahay, haddana dad aannu haynaa way jiraan, kuwa kale ee aannu liiskooda haynana waanu qabqabanaynaa oo tallaabo sharci ah oo adag baanu ka qaadaynaa haddii Alle yidhaa. Ragga hawshaa ku jira tallaabo cad baanu ka qaadi doonaa, marnaba gacanta kala laabanmayno, tallaabo cad oo degdeg ah ayaanu ka qaadaynaa, rag waanu haynaa, inta kalena waanu dabagalaynaa, waxaannan farayaa ciidammada booliska meel kasta oo ay joogaan inay arrintaasi u foojignaadaan.”
“Waxaad moodaa in la ina soo galay oo dad kale adeegsanayo dadkeennii, waxaannan leeyahay ha laga digtoonaada, dadka waawayn ee jidhka uuni waynaadayna waxaan leeyahay ubadka ha naga waalina oo maskaxdooda ha ku ciyaarina, dhallinyaradana waxaan leeyahay fudaydka iyo degdegga iska daaya oo ha u qaadanina in waxani tahay wax wanaagsan, waxa weeye tallaabo aayihiina, qaranimada dalkan iyo mustaqbalkiinaba waxyeelaysa, waxaad tihiin kuwii dalkan loo dhisaayey ee loo barbaarinayey ee yaanu nin ujeeddo leh idin adeegsan,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Wasiirul-dawlaha Daakhiligu waxa uu digniin u diray dawladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya oo la sheegay inay abaabulayso shir ka dhan ah Somaliland oo lagu qabto Buuhoodle.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Ninka Xamar joogaa wuxuu doonayo ayuu odhanayaa ee afkiisa kuma haysano, laakiin Buuhoodle waa meel ka mid ah Somaliland, ninka ku qabo is yidhaahna wuu arki doonaa waxa kala kulma, sababta oo ah marna u ogolaan mayno wax Soomaaliwayn ka socdaa inay dalkayaga cago soo dhigaan, Somaliland waa dal jira oo jiri jiray oo jiri doona, markaa ninka ku hadaaqaya isagoo Xamar jooga halkaasaanu shir ku qaban, bal kaalay oo ku qabo aannu ku aragnee ficil raaci afkii ka tidhiye ayaanu leenahay.”