Araweelo News Network

Laascaanood(ANN) – “Aad baad ugu mahadsan tihiin inaad isbadal dhalisaan oo xisbiga Waddani aad isbadal ku dhalisaan, way muuqataa shucuurtiina iyo dareenkiinu. Waxaan doonayaa runtii inaan tilmaamo Laascaanood maalintaanu iigu dambaysay oo aanu shan wado dhagax dhigaynay oo aanu halkan Maraynay ayaa waxaan idinkala hadlay laascaanood oo hadalkaygii ugu dambeeyey wuxuu ahaa ‘Dawladdan aan ka midka ahay anigoo Xirsi ah oo Wasiir ahaa anigu waan tagi doonaa, Siilaanyo-na wuu tagi doonaa, Dawladii hore ee Somalia-na way tagtay horumarku idinka tagi maayee horumarka ilaashada’, saw sidaa may ahayn.

Dawladdii wakhtigeedii wuu dhamaaday, Madaxweyne Siilaanyo-na Alle khayr ha siiyee wakhtigeedii wuu dhamaaday dalkuna isbadal ayuu u baahan yahay saw maaha, guul ayaynu doonaynaa insha Allaahu tacaalaa, Guul inaynu u keeno Somaliland, waxaynu doonaynaa Somaliland oo cadaalad ah oo loo siman yahay ayaynu doonaynaa inaynu samayno saw maaha.

 

Qolada Kulmiye waxay caadada u lahaayeen oo aad ku ogaydeen inuu yidhaahdo musharaxoodu hebel iga reeba, waxa suurtoobi weyday inuu ku tartamo oo kartidiisa iyo aqoontiisa uu isku soo taago oo uu ku meelmaro, dhacday iyadoo cadaalad daro ah ayay dhacday oo hebel laga reebay.

Maanta waxay marayaan reer Kulmiye iyo Musharixii Muuse waxay marayaan hebel igu balami reer hebel igu balami, odayaasha, Cuqaasha, Garaadada iyo dadka akhyaarta ah ayaa loo yeedhayaa oo la leeyahay reerka nagu balami, dee reerkii waakaase cod u doono.

Anagu (Waddani) Waxaanu wadnaa Madaxweyne Codkiina idin weydiisanaya, haday iyagu leeyihiin waa mid loo khasban yahay anagu waxaanu leenahay waa mid aan loo khasbanayn. Dalku waa dimuqraadi, dadkuna waa xor oo waa dimuqraadi oo kolba kay doonaan ayay dooranayaan, isbadal ayuu dalkuna u baahan yahay, doorashadiina iyo rabitaankiina sidaa aad imikaba muujiseen ku doorta Waddani Insha Allaahu Tacaalaa.” hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad qiimo leh oo uu u jeediyey shacabka ku dhaqan gobolka Sool ee Somaliland oo ay socdaal ku marayeen weftiga Murashaxa xisbiga Waddani ee Cabdiraxmaan Ciro.