Araweelo News Network

Boosaaso(ANN)-Diyaaradaha Milateriga ee Maraykanka, weerraro kala duwan oo duqaymo ah ka geystay Buuralayda duleedka bari ee magaalada Boosaaso.

Sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Dowladda Maraykanka oo warbaahinta u xaqiijiyay duqeynta, wuxuu  sheegay in hal qof uu wax ku noqday weerrarka ay ka fuliyeen halkaa oo lala beegsaday fadhiismo Ururka Daacish ku leeyahay Buuraleyda maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan laba jeer ay diyaaradaha Maraykanku duqeeyeen  saldhig dagaalyahanada Kooxda Daacish ay ku leeyihiin deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

Diyaaradaha weerrarka fuliyay, ayaa beegsaday goob lagu tuhmayay inuu ku sugan yahay  hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdulqaadir Muumim.

Deegaanka duqeymuhu ka dhaceen, ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay.

Mas’uuliyiinta Gobolka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlay qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inay baadhitaan ku sameynayaan khasaaraha dhabta ah ee  ka dhashay duqeynta ay la beegsadeen dagaalyahanada Taageersan kooxda Daacish-ta Soomaliya.