Araweelo News Network

Sacad Al-xariiri

Riyadh(ANN)-Ra’iisal  Wasaarihii Dalka  Lubnaan  Sacad Al-Xariiri, ayaa Iscasilay Isagoo sababta iscasilaadisa ku sababayeeyay cabsi soo waajahday naftiisa.

Rai’sal wasaare  Sacad al-Xariri, ayaa go’aanka uu ku qaatay iscasilaadiisa kaga  dhawaaqay Shir jaraaid oo uu ku qabtay maanta caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh oo booqasho uu ku tegey, wuxuuna  si kulul u canbaareeyay ururka Xisbullah iyo xukuumadda Iran oo sida uu sheegay ka baqayo in ay shirqool dil ah la beegsadaan.

Mr. Sacad Al-xariiri, wuxuu shalay Jimcihii xarunta dalka Lubnaan ee  Beirut kula kulmay dublamaasi ka socday  dalkaa, waxaana Kulankaa kadib ka hadlay arrimaha laga hadlay Ali Akbar Velayati oo ah lataliyaha hoggaamiyaha Kacaanka Iran Ayatollah Seyyed Ali Khamenei oo sheegay in labada dhinac ka wada hadleen xasiloonida iyo horumarka dalka Lubnaan.

 

Ali AkbarVelayati, wuxuu sheegay in Maraykanka Iyo Isra’iil oo taageero ka helaya qaar Ka mid ah Dalalka mandaqada Khaliijku doonayaan in kooxaha aragagixisadu ku xoogaysato Lubnaan, Isla markaana meesha laga saaro xasiloonida iyo ammaanka dalka.

sidoo kale wuxuu Ali Akbar sheegay in kulanka lagu soo qaaday sidii isbahsi lagu soo dhiso dawlad wadaag ah ay u wada samayn lahaayeen Ururka Xisbulaah.

 

Haseyeeshee Sacad al-Xariiri oo maalin kadib kulankaa booqasho ku tegey Caasimadda Riyadh ee dalka Sucuudiga oo uu kaga dhawaaqay iscasillaadiisa, ayaa sheegay in xaaladda ay maanta Lubnaan marayso ay la mid tahay tii dalkaasi ka jirtay markii la dilayay aabihii Rafiq Al-Xariiri  2005.

Mr Xariri ayaa qabtay xilka Ra’iisal wasaaranimada bishii December 2016, wuxuuna  Sacuudiga booqday dhowr jeer maalmihii la soo dhaafay, iyadoo loolan adag ka dhexeeyo oo mandaqada ah Iran Iyo Sucuudiga.

Sacuudiga ayaa  ay si wayn u taageera Siyaasada Al-xariiri, iyadoo  dowlada Iiraan Iyo Suuriya ay dhinaceeda tageeraan  kooxda Shiicada ee Xisbullah oo awoodo badan ku leg gobolka.