Araweelo News Network

Abubakar Shekau

Abubakar Shekau

Lagos (ANN)- Ururka la baxay dawladda Islaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq (ISIS/Daacish), ayaa sheegatay inay badhasaab cusub u magacaabeen degaannada galbeedka qaaradda Afrika, halkaasoo ay ka dagaallamaan ururka Boko Haram, gaar ahaan dalka Nayjeeriya.
Hase yeeshee, hoggaamiyaha kooxda Boko Haraam Mr. Abubakar Shekau, ayaa farriin cod ah oo uu soo saaray ku sheegay in isagu uu weli yahay masuulka ugu sarreeya ururkooda, waxaannu meesha ka saaray sheegashada SIS ee inay masuul cusub ay u magacaabeen galbeedka qaaradda Afrika.
“Waa in dadku ogaadaan in aan weli joogo, meel kaloo aan tegayna ma jirto, cid la magacaabayna ma jirto,” ayuu yidhi hoggaamiyaha Boko Haram oo sidoo kale ku baaqay in la sii xoojiyo dagaalka lagula jiro dalalka uu ku sifeeyey inay yihiin cadawga islaamka.
Sida lagu daabacay wargeys la yidhaa Al Nabaa oo ay leeyihiin ISIS, nin magaciisu yahay Abu Musab Al Barnawi, ayaa la sheegay in loo magacaabay waaliga (badhasaab) degaannada galbeedka Afrika, waxaannu masuulkaasi sheegay inuu ka shaqaynayo sidii loo xoojin lahaa hawlgallada kooxda Daacish amma ISIS ka fuliyaan galbeedka Afrika, halka uu sidoo kale ku hanjabay inay weerari doonaan kiniisadaha, lana khaarajin doono dadka kiristaanka ah oo dhan.
“Waxa ay (dalalka gaaladu) si xooggan uga shaqeeyaan sidii ay diinta islaamka uga saari lahaayeen dadka, una kiristaamayn lahaayeen, waxayna ka faa’iidaysanayaan baahiyaha dadka ka barakacay dagaallada ay sida joogtada ah u wadaan, waxayna qaxootiga siiyaan cunto iyo hoy, kadibna ubadkooda ay ka dhigaan kiristaan,” ayuu yidhi hoggaamiyaha cusub ee ISIS u magacawday degaannada galbeedka Afrika ee kooxda Boko Haram ka dagaallamaan.
Sida lagu baahiyey telefishanka Al-jazeera, ururka Boko Haram ayaa laga saaray degaanno badan oo ay hore uga talin jireen, gaar ahaan dalalka Nayjeeriya, Cameroon, Chad iyo Niger, waxayna hay’adaha qaabilsan ammaanku rumaysan yihiin in waqtigan ay beddeleen xeelladoodii dagaalka.
Masuuliyiinta sare ee kooxda Boko Haram oo macnaheedu yahay waxbarashada reer galbeedku waa xaaraan, ayaa caddeeyey bishii March ee sannadkii 2015 inay ka goosteen shabakadda Al-qaacida, isla markaana xidhiidh la samaysteen ISIS/Daacish oo sheegeen inay u metelaan Gobolka Galbeedka Afrika.