Araweelo News Network

alshababMandhera (ANN)- Dagaal aad u culus oo saacado badan socday ayaa ciidammada Kenya iyo xoogagga kooxda Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Mandheera ee Gobolka Woqooyi-bari – Kenya – gelinkii dambe ee Arbacada.
Dagaalka oo sida la sheegay ka dhashay kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerareen saldhig ciidanka Kenya ku leeyihiin degaanka Fino oo hoostaga Mandheera, isla markaana socday ilaa shalay subax ayaan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Ilo degaanka ah ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalku ahaa mid aad u xooggan oo ay ka qaybqaateen diyaaradaha dagaalka millatariga Kenya, waxaanay wararka hordhaca ah tibaaxeen inuu jiro khasaare baahsan oo ka dhashay dagaalka saacadaha badan socday ee ciidammada Kenya iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Fino.
Dagaalkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu cuslaa ee xoogagga Al-shabaab gudaha dalkooda kula galaan ciidammada Kenya.
Ma jiro wax war oo ah illaa hadda masuuliyiinta dawladda Kenya iyo kooxda Al-shabaab ka soo saareen khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Dhinaca kale, warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax iyo weerar gaadmo ah lagu qaaday gaadiid kolonyo ciidammada dawladda Kenya wateen oo marayey degaannada degmada Mandheera ee gudaha dalkaas subaxnimadii hore ee shalay.
Wararka ayaa tibaaxay in qaraxaas kadib ay dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidammada Kenya ee ku sugan degaanka Fino oo u dhow Madheera, waxana sida la sheegay ciidanka Kenyaanka weerarkaas ka soo gaadhay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac aan weli rasmi ah loo shaacin tiradooda.
Xoogagga Al-shabaab ayaa qaraxyo iyo weerarro khasaare kala duwan geystay ka fuliyey gudaha dalka Kenya dhowrkii sannadood ee la soo dhaafay.