Araweelo News Network

Gudoomye Cirro1Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland iyo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka digay in xisbul-xaakimka KULMIYE oo keliya loogu shaqeeyo hantida ka dhexaysa qaranka.
Md. Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad caasimadda Hargeysa loogu sameeyey taageerayaal ku biiray xisbigiisa WADDANI shalay, waxa kaloo uu ka hadlay shaqaalaha dawladda oo uu sheegay inay ku dhex milmeen siyaasadda.
“Xukuumadda Somaliland waxa waajib ku ah inay abuurto garoonkii loo sinnaa ee lagu tartami lahaa (doorashooyinka). Lama aqbali karo, lamana qaadan karo in hantida qaranka xisbi qudha loogu shaqeeyo. Lama aqbali karo in KULMIYE yeesho TV-ga Qaranka, lamana aqbali karo in Radio Hargeysa uu u shaqeeyo KULMIYE, (balse) waa inay dhammaan axsaabta qaranku u sinnaadaan.”
“Waxa iyagana caam noqday in shaqaalaha dawladdu siyaasiyiin isu beddeleen beryahan dambe. Sharciga Somaliland waa ka mamnuuc in qof shaqaale dawladeed ah (civil servant) oo dawladda u shaqeeya amma ciidanka ah inuu si toos ah ugu biiro xisbi oo uu qaato makarafoon. Habeen walba waxa TV-ga ka soo baxa nin DG ah (Agaasime Guud), amma maareeye ah oo makarafoon sita, waana xaaraan oo waxay ahayd in laga eryo shaqada. Waxaannu uga digaynaa (arrintaas) oo sharciga loo soo noqdo, shaqaalaha dawladduna ka baxaan siyaasadda amma ay shaqada ka tagaan haddii ay doonayaan inay noqdaan siyaasiyiin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
“Waxa aynu ka war qabnaa in doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada loo muddeeyey 28 March 2017. Waxa aan u sheegayaa bahwaynta WADDANI in aynu u wada diyaargarawno doorashooyinku inay waqtigooda dhacaan. Waxa kaloo diyaargarawgaas inoo horreeya shirka Golaha Dhexe ee xisbiga oo la iclaamiyey inuu qabsoomo, taasoo ah tallaabooyinka u horreeya ee xisbiga WADDANI isugu diyaarinayo doorashooyinka soo socda.”
Waxa kaloo uu ka hadlay siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa aynu ka war-qabnaa in siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ay in badan hoos u dhacday muddadii xisbiga KULMIYE talada hayey. Waxa aynu tusaale u soo qaadanaynaa dalka Ingiriiska waxa ka jiray mudanayaal badan oo ku jira labada aqal ee baarlamaanka UK oo la odhan jiray All Party Group, imminka mid kama joogo.”
Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sidoo kale soo dhaweeyey hadal Ra’iisal-wasaarihii hore ee Kenya Mr. Raila Odinga ku taageeray qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.
“Waxa ay ila tahay fursadahaas iyo qaar kale oo ka badanba ay shacbiga Somaliland u diyaargaroobaan oo aynu ka faa’iidaysano, kuna dedaalno inuu dariiq u noqdo ictiraafka Somaliland, haddii Ilaahay yidhaah.”
Ugu dambayn, waxa uu ka rajeeyey Madaxweyne Siilaanyo inuu soo saaro go’aan xal u noqda khilaafka ka taagan saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada oo saddexda xisbi qaran kalsooni ku siiyeen inuu go’aan ka gaadho arrintaas, si doorashooyinku u qabsoomaan waqtiga loo muddeeyey.
“Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud innaga ayaa doorannay, haddana waxa uu yidhi murrashax ma ahi, markaa waxaan u sheegayaa reer WADDANI horta la tartami mayno Axmed Siilaanyo ee waxa aynu la tartamaynaa Muuse Biixi, markaa waxay ila tahay in aynu si wanaagsan u sii macasalaamayno odaygaas (Madaxweyne Siilaanyo), laakiin waxa aynu uga baahanahay inuu doorashada inoo qabto waqtigeedi, insha Allaah,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.