Araweelo News Network

Marwo Aamina Xirsi  Mooge

Marwo Aamina Xirsi Mooge

Hargeysa (ANN)Haweenayda Ganacsatada Caanka ah Marwo Aamina Xirsi Mooge, ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay madaarka caalamiga ah ee Egal .
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhoweeyay madaarka Caasimada Somaliland ee Hargaysa Haweenaydaa oo ah ganacsato u dhalatay Dalka Ugandha, balse asal ahaan kasoo jeeda Somaliland.
Marwo Aamina Xirsi oo ka mid ah ganacsatada Haweenka ah ee Ugu Waaweyn Qaaradda Afrika, waxay iyadoo farxad wejigeeda ka muuqato tidhi, “Waa markii u horaysay ee aan imaado dalkaygii asal ahaan aan kasoo jeeday, waana ku mahahadsan tihiin sidaa aiisoo dhowaynseen ee ii qiimayseen, ii sharafteen mahad oo dhana Illaahay ayaa leh”
Muuqaalka soo Dhowaynta Haweenayda ganacsatada Caanka ah ee Ee Aamina Xisri Mooge halkan ka daawo sida loo soo dhoweeyay.