Araweelo News Network

indho-indho-1Hargeysa (ANN)- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa farriin talo ah oo ku saabsan mashruuca casriyeynta dekedda Berbera u kala diray xukuumadda iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.
Xildhibaan Indho-indho oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa shalay, waxa u jeediyey xukuumadda inay dejiyo xaaladda oo ay muujiso waayeelnimo, halka uu shacabka Berbera-na kula dardaarmay inay si deggan u soo bandhigaan tabashadooda oo ay iska yareeyaan ka hadalka saxaafadda, isla markaana si miyir-qabta loo hirgeliyo mashruuca casriyeynta dekedda Berbera.
“Arrinta Berbera laba farriimood baan dirayaa, mid xukuumadda ayaan u dirayaa oo waxaan leeyahay arrinta dejiya, shacabkeenna yaan la innaga kaxaysan, mashruucan Berbera waa mid wayn oo ka mid ah mashaariicda waawayn ee Madaxweynuhu wado sida kan iminka aannu ka nimi ee nabadaynta Gobollada Bari, ka dhismaha waddada Ceerigaabo, Biyaha Hargeysa iyo Dekedda Berbera, afartaasi mashruuc waa kuwa uu Madaxweynuhu ku fikirayo, markaa xukuumadda waxaan leeyahay waayeelnimo muujiya oo khilaafka yar ee soo baxay ha la dejiyo.
Shacabka reer Berbera waxaan leeyahay warbaahinta ha badsanina, aqbala xukuumaddu inay idinla hadasho oo soo dhaweeya, waxa Berbera u soo kordhay waa wax waddanka oo dhan u soo kordhay, markaa waxay u baahan tahay mashruucan in deganaansho lagu dayo oo dawladduna degaansho ku wado, shacabka reer Berbera-na is-dejiya, idinkoo degan hadla oo tabashadiina sheegta,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, xildhibaanku waxa uu jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo mar uu dhawaan ka hadlayey maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu ku suganyahay sheegay in Somaliland is-haysato oo ay burburayso.
“Dawlad Isaaq leeyahay halkan kama jirto ee dawlad Somaliland la yidhaa oo la wada leeyahay ayaa jirta, odaygu (Xaabsade) hadduu Puntland ka hadlayey Puntland waa saddex gobol, dadkii degaanka ahaanna badankiisii waaka tashaday, hadalkaasina maaha hadal nin wayni ku hadlo, waa hadal aannu shacabka reer Somaliland ka raalligalinayno, odaygu casho (xoolo adduun) ayuu nagaga maqnaaye maanu moodayn inuu is-dhiibay ee insha Allaahu waxaan ku rajowanahay inuu 18 May ee dambe ka qaybgalo isagoo hadalkaa uu iminka leeyahay mid ka beddelan sheegaya oo leh dawlad Somaliland ah baa halkan jirta,” ayuu yidhi Md. Indho-indho.