#Araweelo_News_Nerwork

 

Tel Aviv (ANN) Xukuunadda Yuhuuda ee Israel, ayaa samaysay koox loo qorsheeyay inay dhegaystaan sanqadha dhulka si loo hubiyo innay jiraan hawlgalo la mid ah kuwii 17 Oct 2023, kooxda ku qaaday ee loo bixiyay duufaankii Al Aqza.

Weerarrada xilligaa Xamaas ku qaaday gudaha Israel ayaa sabab u noqday duulaanka iyo xasuuqa aargoosiga ee ciidamada Yuhuuda oo gacan ka helaya Maraykanka iyo Britain ka fuliyeen Qaza, iyadoo dagaalka oo socday ku dhowaad liz bilood lagu qaawiyay awoodda Israel iyo isla weynida ay kaga sheenayd   gobolka iyo xataa xullufadeeda.

Xilligan Xukuumadda Yuhuuda oo xaquus kasta oo ay samaysay aannay ku ilaabayn weerarkii duufaankii Al Aqza iyo guuldarada dagaalka ayaa samaysay kooxda dhegaysiga dhulka.

Wargwska The Times Of Israel oo soo xigganaya warbaahin maxali ah shabakadda wararka ee Ynet. ayaa sheegay in koox la sameeyay si ay u baadhaan warbixinada dhawaaqyada marka la samaynayo qodista godadka ee ka imanaya dadka deggan Bat Hefer, oo ah magaalo Israa’iili ah oo boqolaal mitir u jirta magaalada Daanta Galbeed ee Tulkarem iyo Tuulada Shuweika,

ilaa hadda ugu yaraan shan qaybood oo hubin ah ayaa la sameeyay iyada oo aan la helin wax godad ah.Sida laga soo xigtay Ynet, kooxda waxaa lagu dhisi doonaa  inay Israel yimaadaan Taliska Dhexe ee Ciidanka Difaaca Israel waxayna ka koobnaan doonaan khubaro millateri iyo dad rayid ah, kuwaas oo samayn doona qiimaynta xaaladda iyada oo la raacayo macluumaadka sirdoonka ee soo baxaya ama warbixinnada la tuhunsan yahay joogitaanka godadka.

Kooxaha  Xamaas iyo Hezbollah ayaa dhowr jeer oo hore ka qoday godad weerrar ah oo ay Israa’iil ku soo gelisay xadka Gaza iyo Lubnaan, siday u kala horreeyaan, taas oo cabsi ku abuurtay Israel.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com