#Araweelo_News_Network.

 

Addis Ababa(ANN)-  Bangiga Dawladda Ethiopia ayaa abaabulaya guddi hawleed si uu u soo ceshado lacag 6 bilyan oo Birr ah oo ku luntay qaab tuuga ah “system failure
Arrintan ayaa timi Maalin kaddib markii la sheegay in uu tanaasulay Bangiga dawladda Ethiopia Baanka Ganacsiga ee Ethiopia, kaas oo la sheegay in uu saacado gudahood ku khasaaray lacag ka baddan lix bilyan oo Birr oo la musuq maasuqay, taas oo lagu soo warramayo khasab noqotay in Baanku uu sameeyo guddi ka hawlgala sidii dabagal ay ugu sammeeyaan dadkaas oo si khaldan uga faa’iidaystay nidaamka digital-ka bangiyada “System failure” si ay ula baxaan ama u gudbiyaan lacag aad u badan.

 

Warbixin lagu daabacay Borkena oo soo xigganay Idaacadda Wazema ayaa Axaddii sheegtay in ay ka maqashay ilo ku dhow, sida muuqata bangiga dhexdiisa. Xubnaha hawshan loo xilsaaray ayaa ka kala socda ciidamada ammaanka iyo khubaro ka tirsan Baanka Qaranka Ethiopia, waxaana la doonayaa in lagu soo celiyo lacagtii sida sharci darada ah loogu wareejiyay ama lagala baxay muddo lix saacadood ah oo ka bilaabmaysa sabtidii hore ee saqdii dhexe ee xalay (wakhtiga maxaliga ah).

Araweelo News Network oo soo xigganay  Borkena ayaa sheegay in Xogtu ay tibaaxday in Baanka Ganacsiga ee Ethiopia aanu ilaa hadda ogayn cadadka lacageed ee rasmiga ah ee uu khasaaray, balse waxa uu tilmaamay in wax kala beddelasho oo dhan lix bilyan oo Birr ah lagu sameeyay muddo lix saacadood gudahood ah, in ka baddan 25,000 oo xawaaladoodna la sameeyay xilligaa.

Sidoo kale, Wazema oo soo xiggatay wargeyska maxaliga ah ee Fortune, ayaa sheegtay in 66,000 oo macaamiisha Bangiga ganacsiga ee Ethiopia ay xaaladdu saamaysay.

Laga soo bilaabo xilligaa warbixinta, Bangigu uma eka inuu xiisaynayo xaqiijinta xadiga lacagta ah ee uu sheegay innay lumay lixdii saacadood ee aan la macnayn karin ee ku yimid nidaamka Bangiyada dhijitaalka ah ee Bangiga.

Hase yeeshee Borkena ayaa sheegtay innay ogaatay warbixino ay muwaadiniintu ku baahiyeen baraha bulshada, kuwaas oo in inta badan xawaaladdaha iyo lacagaha lagala baxo ATM-ka lagu arkay Ardayda jaamacaddaha, kala ah Jaamacadda Jimma iyo Addis Ababa. waxaana lasoo  soo saaray baaqyo digniin ah oo ay ugu baaqayaan Ardayda inay dib ugu laabtaan haddii ay bangiga kala baxaan ama ka xawilaan lacag ayna ka fogaadaan inay la kulmaan cawaaqib sharci haddii aannay sidaa samayn.

Dhinaca kale, waxaa jiray hadallo sheegaya in dhacdadan ay la xidhiidho weerar dhanka internetka ah oo lagu qaaday Bangiga ganacsiga, balse Bangiga ayaa beeniyay innay jirto. Waxay la xidhiidhay dhacdada “qallad ka jirta nidaamka.” Casriga ah.

Laakii Wazema ayaa soo xigatay ilo-wareedka guddaha si ay u soo xaqiijiso in maamulka Bangiyada ay aad ula yaabeen markii khamiistii la soo dhaafay ilaa boqol milyan oo Birr lacag bixinta dhijitaalka ah ee dawladda ay oggolaadeen in ka baddan hal qof. waxa ay ahayd intaa ka dib Bangigu waxa uu ku hawlanaa hagaajinta nidaamka ilaa jimcihii ,waxana dhacdadan fashilka ah ay dhacday habeenimadii Sabtida. Sida lagu sheegay warbixinta oo soo xigganay ila wareedyo iyo warbixino la xidhiidha dhacdadan.

Warbixinta Araweelo News Network soo xigganay ayaa sidoo kale,  sheegaya in ila-wareedka tilmaamay in khubarada amniga internetka ay sheegeen in dhacdadani ay la xidhiidho weerar lagu qaaday kaabayaasha dhijitaalka ah ee Bangiga ee guddaha dalka, inkastoo Bangigu uu beeniyay in dhacdadani ay la xidhiidho weerar dhanka internetka ah. Toddobaadkii hore, Bangigu wuxuu shaqada ka eryay in ka badan 200 oo shaqaale ah oo lala xidhiidhiyay shahaadooyin waxbarasho oo musuqmaasuq ah

Dowladda Ethiopia ayaa la soo daristay bur-bur guddaha ah oo ay ku suuragashay siyaasad qowmiyadeed iyo kuwa qowmiyadaha xagjirka ah ee ku jira haykalka dowladda. dhawr sano ka hor, imtixaankii qaran ee shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare ayaa la xaday, iyadoo ku soo noqnoqonayay gobolka Oromia – ilaa heer laga gaadho natiijada imtixaanka oo la xaday.

 

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com