Araweelo News Network

jahliyadawoqooyigaameerikaHargeysa (ANN) Guddoomiyaha Wakaaladda Qurba-joogga Somaliland Mr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xirsi (Dayax-weerar), ayaa kulan la yeeshay muwaaddiniinta qurba-joogga ee ku nool magaalada Ottawa ee dalka Canada (Kanada) ee woqooyiga qaaradda Ameerika.
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wakaaladda Qurba-joogga Somaliland xalay, kaasoo u qornaa sidan:
“Waxa magaaladda Ottawa, Axaddii 30/10/2016 ka qabsoomay kulan ballaadhan oo uu Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbo-joogga mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xirsi (Dayax-weerar) kula kulmay jaaliyadda Somaliland ee magaalada Ottawa, caasimadda dalka Canada. Waxa ku wehelisay Guddoomiyaha kulankan Danjiraha Somaliland u qaabilsan dalka Canada, Danjire Luul Cusmaan.
Kulankan oo aan qabanqaabadiisa iyo qaybgalkiisaba loo kala hadhin, waxa ka qaybgalay waaxyaha jaaliyaddu ka kooban tahay iyo qaarka mid ah laamaha warbaahinta warfaafinta ee magaalada Ottawa, gaar ahaan laanta Af-Soomaliga ee Idaacadda CKCU ee Ottawa.
Kulankan oo qayb ka ahaa safar shaqo Guddoomiyaha Wakaaladdu dhawaanahanba ku marayay qaarka mid ah wadammada Yurub ee Somaliland ku leedahay jaalliyadaha badan, waxa uu guddoomiyuhu ku soo bandhigay arrimo badan oo la xidhiidha shaqada iyo qorshayaasha Wakaaladda iyo kaalinta qurbo-joogga ee dhismaha iyo horumarka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa uu Guddoomiye Dayax-weerar uga warramay jaaliyadda hawlaha u qabsoomay Hay’adda iyo hawlaha u qorshaysan xilliga dhaw iyo waqtiga fogba, waxaannu dhinaca kale tilmaamay kaalinta waafiga ah ee qurbo-joogga Somaliland ka qaadan karaan geedi socodka horumar ee qaranka – dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, aqoonta, xirfadaha iyo waayo-aragnimada togan ee ku soo kordhin karaan dalkooda hooyo.
Guddoomyaha Qurbo-joogga Qaranku wuxuu uga warramay ka qaybgalayaasha fursadaha maalgashi ee dihin dalkooda, waxaannu ku dhiirrigliyay inay si firfircoon uga soo qaybgalaan maalgashiga ganacsiga iyo waxqabadka dalkooda.
Dhinaca kale, waxa iyana kulanka ka hadashay Danjiraha Somaliland u qaabilsan dalka Canada marwo Luul Cismaan, waxaanay ku adkaysay guud ahaan jaaliyadda Somaliland ee Ottawa inay ajiibaan farriinta Guddoomiyaha Hay’adda Qurbo-joogga oo dhistaan guddi isku hawsha isku xidhka jaalliyadda iyo hawlaha danta guud ee jaalliyadda Ottawa iyo xidhiidhka dalkooda Somaliland ba si ay gacan fiican iyo waxtar uga gaysan horumarinta qarankooda dhinac walba.
Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa iyaguna dhinacooda su’aalo doora ka weydiiyay Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbo-joogga Somaliland arrimo khuseeya wada shaqaynta qurbo-joogga iyo xafiiska, xidhiidhka qurbo-joogga/jaaliyadaha iyo dawladda ama dalka guud ahaan iyo dhinacyo kale.
Wuxuu ku dhammaaday kulanku jawi fiican oo is fahan iyo kala faa’iidaysi badan ka dhashay, dhiirrigelin iyo baraarujinna u ahaa jaaliyadda Somaliland ee Ottawa, Canada, iyadoo sidoo kale ay ka qaybgalayaashu ku sheekaysanayeen fursadaha maalgashi ee ka jira dalka Somaliland iyo xiisaha ay u qabaan inay maalgashadaan dalkooda,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wakaaladda Qurbo-joogga Somaliland.