W/Q. Sagal Xuseen
qoraalKomishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxaan leeyahay waad ku ammaanan tihiin hawlaha doorashooyinka sida aad u qabateen ilaa xilligan. Waxa mudan inaynu xasuusanno in Shacbiga iyo Xukuumaddu inay kaalin mug leh ku lahaayeen guulaha la gaadhay.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxay sheegeen in warbaahinta qaar sharciga la tiigsan doono, waan ku taageersayaa haddii Guddiga iyo hawlahiisa ay meel kaga dhaceen. Waxaan jecelahay in qof kasta oo xadgudub ku sameeya ama sharciga ku gafa in tallaabo sharciya lala tiigsado.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka, waxa uu soo jeedinayaa in hawlaha kaadhadhka codeynta xilkeeda ay u gooni yihiin, mar haddii ay xukuumadda ballan ku qaaday in wixii kharash ah ee loo baahdo hadday Qaadhaan-bixiyeyaashu qeybtooda keeni waayaan.
Waxaan leeyahay waxa kaliya ee doorashada db u ridi karaa waa Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo xilkooda fulin waaya. Sidaa daraadeed, waxaan leeyahay Guddiga Doorashooyinka Qaranka in indhaha Somaliland ay eegayaan sida ay u gutaan xilkooda, maadaama 5 bilood ku dhawaad oo ka hadhay xilligii doorashada loogu talogalay in la qabto, taas oo ah waqti ku filan tahay, daabacaada kaadhadhka codbixinta iyo qaybintooda. Fadlan, ka illaaliya in Somaliland noqoto Soomaaliya oo kale.
Sagal Xuseen – Hargeysa