Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka tirsan xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa kula taliyey Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi in aannu wax dayn ah kala wareegin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu talada kala wareegayo.

Mr. Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay qoraal xambaarsan farriimo iyo talooyin uu ku socda Madaxweynaha la doortay oo uu soo saaray shalay, waxa kaloo uu Madaxweyne Biixi ku boorriyey inuu wax ka qabto qabyo iyo baylah badan oo dalka taal xilligan.

Qoraalka farriimaha iyo talooyinka kala duwan huwan ee Jamaal Cali Xuseen u diray Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu hordhac uga dhigay sheeko kaftan ah, waxa uu u qornaa sidan:

“Dad badan baa talooyin wax ku oo la siiyey Madaxweynaha cusub Ilaahay ha la qabtee. Aniga tayda waxaan ku gudbinayaa kaftan ahaan, iyadoo madaxweynaha cusub iyo dadka imminka xilalka hayaba ku socota. Waxaan xasuustay sheeko uu iiga sheekeeyey saaxiibkay Maxamed Cali Bile oo ahayd in beri ay wadaad ugu yeedheen gabadh yar oo jin galay. Wadaadkii baa markuu Qur’aankii bilaabay inuu akhriyo, ayaa jinkii ku jiray gabadha yar ee ka dhex hadlayey ayaaba Qur’aankii la akhriyey wadaadkii oo weliba kaga fiicnaaday akhriskii ninkii dhamaa ee wadaadka ahaa ee la soo kaxaystay. Wadaadkii baa intuu qudhiisii yaabay yidhi; “waar waa maxay jinkan xariifka ah?.”

Horta Madaxweynahii la doortay intaa dad uun baa u gelaya oo la talinaya, weliba waxa ugu tallooyin fiican kuwa ku dhex jiray xukunka dawladnimo oo qaar ka mid ah weliba lagu dhaliilayey shaqooyinkii ay hore u soo qabteen iyagoo ay hore bulshadu farta ugu fiiqday, kuna haysatay wax is-daba marin iyo musuqmaasuq.

Haddaba, Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi ayaa sidii wadaadkii yaabay waxa uu naftiisa ku leeyahay; “Waar waa maxay jinkan xariifka ah ee Qur’aankii dudubinayaa? Illeyn waa kuwan oo iyagiibaaba ku dhego-barjeeyey talooyin wax-ku-ool ah Madaxweynahii hadda waa kuwii laga cabanayey.”

“Odhan maayo qof kastoo dawlad hore ka soo shaqeeyey waa lama qaataan, odhan maayana dadka imminka xukuumaddan la beddelayo ka tirsanwaa lama qaataan. Dad wanaagsani waa ku jiraane kolley Madaxweynaha la doortay isagaaba iiga aqoon badan dadka badidooda. Laakiin farriintayda ugu muhiimsani waxay tahay oo isugu jirtaa laba qodob; 1. In madaxweynahu dadka miisaanka saaro oo la kala saaro shaqada qaranka iyo abaal-isu-celinta; qof walbana meeshuu ku habboon yahay la geeyo; qof walbana miisaanka saaro. Gusha qaranka iyo ta madaxweynahu waxay ku xidhan tahay dadka uu igmado hawlaha. 2. in aannu madaxweynahu aqbalin deyn xad-dhaaf ah oo uu la wareego sidii caadada u ahayd dhaqan xumada siyaasadeed ee Somaliland ee nin kastoo madaxtinimo ka degayaaba uu qasnadda dawladda sii faaruqiyo. Sharciga dalkan iyo Dastuurka toona meelna kagama taallo in wasiir deyn qaran uu qaadan karo. Waxay ila tahay Wasiirka maaliyadda iyo madaxweynaha oo keliya ayuunbaa qaadan kara deyn kolka ay kala yaraadan lacagtii cashuurta loo soo ururinaayey iyo kharashaadkii dawladu. Markaa mudane Madaxweyne la doortay anigoo afka muwaaddiniinta dalka ku hadlaya dhabarka haw raran culays mustaqbal iyo deyn aan meelna haysan.
Wasiirka Maaliyadda ayuun baa wixii cinwaan dayn leh kaala hadli karta, laakiin dhammaan wasaaradaha kale ee dalku waa inay bilaa deyn xilalkooda ku wareejiyaan kolka lagu dhaariyo kadib insha Allaah. Dhaqan-siyaasadeedka xun ee dalkani caadi ka dhigtay iyo deymo xad-dhaaf ah oo layska wareejiyo haddaan meel lagu tiirin oo cid aanay odhan ha la joojiyo. Waxay innagu noqon doontaa waddo halaqeed. Waa talo kale oo la mid ah kuwii muwaaddiniintu hore kuu siiyeen. Waa fikirkayga xorta ah oo aanan cidna waxba kaga doonaynin, cid gaar ahna aanan ku dureynin ee danta caamka ah daawee uun ay iga tahay. Maanta Madaxweynaha kii doortay, kii ka aamusay iyo kii aan dooranba way kuu siman yihiin ee caddaaladda culeyska saar. Ilaahay kheyrka hayna siiyo dhammaanteen; Madaxweynaha la doortayna aynu u duceyno,” ayuu qoraalkiisa talada ah ku soo ururiyey aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.