Araweelo News Network

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland

Hargeysa (ANN)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa sharciyeysay natiijada doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 13 November 2017, kadib markii aanay soo bixin wax dacwad ama cabasho ah oo xisbiyadu ka qabaan natiijada doorashadaas oo loo gudbiyey Maxkamadda Sare.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed oo ay hareero fadhiyeen garsoorayaasha maxkamaddu, ayaa si rasmi ah u shaaciyey in natiijada doorashada ee ay Guddida Doorashooyinku hore sida ku-meel-gaadhka ah u saareen, una gudbiyeen Maxkamadda ay tahay mid ansax ah.

“Sidaad la socotaan natiijada kama-dembeysta ah, waxa dastuuriyan leh Maxkamadda Sare ee Dastuurka ah, markaa qaraarkii ansixinta ahaa, ayaannu halkan ka akhri doonaa haddii Illaahay yidhaahdo, annaga oo la soconna in aanay wax dacwad ahi amma wax cabasho ah oo la soo gudbiyey aanay jirin oo la soo gudbiyey, horena aananu gar-naq u gelin. Qaraarkaas ayaannu ku dhawaaqeynaa, markaa qaraarkaas ayaan idiin akhriyeynaa oo isaga ayaa ah ka kama-dembeysta ah,” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali Axmed.

Waxaannu halkaas ka akhriyey qaraarka ka soo baxay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, kaasoo u qornaa sidan;

“Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah waxay soo saartay qaraarkan lambarkiisu yahay, Ref: MD/DD05/2017, kuna taariikheysan 28/November/2017. Ujeeddo: Qaraar Ansixin Natiijada Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah Jamhuuriyadda Somaliland: Markay aragtay qoraalka summaddiisu yahay KD/XQ/178/2017 ee ku taariikheysan 23/November/2017, kana soo baxay Guddiga Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ujeeddadiisu ahayn:

Soo-gudbinta natiijada hordhaca ah Doorashada Madaxtooyada Jamuuriyadda Somaliland – 2017, kuna lifaaqan yahay shaxda tirada codadka natiijada ku-meel-gaadhka ah ee doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

  • Markay u caddaatay, hawlgallada Guddiga Doorashooyinka Qaranku fuliyey oo dhammaantood waafaqsan qodobadda dastuurka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee kala ah; 80aad, 81aad, 82aad, 83aad iyo Xeer LR.14/2011 iyo Xeer LR.20/2001 iyo lifaaqda; 1aad, 2aad, ee wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerkaa iyo Xeer LR.37/2007 ee Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo lifaaqda wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerkaa.
  • Markay aragtay, tirooyinka cododka guud ahaan iyo gobol ahaan ee doorashadii madaxtooyada ee qabsoontay 13 November 2017 ee saddexda xisbi qaran oo kale ah;
  1. Xisbiga UCID oo helay: 23,141 cod, una dhiganta 4.17%
  2. Xisbiga KULMIYE oo helay 305,909 cod, una dhiganta 55.1%
  3. Xisbiga WADDANI oo helay 226,092 cod, una dhiganta 40.73%
  • Markay u caddaatay, in aanay jirin wax cabbasho ah oo ku saabsan natiijada ku-meel-gaadhka ah ee ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka Qaranku iyo guud ahaan hannaanka doorashadu u qabsoontay oo ay Maxkamadda u soo gudbiyeen xisbiyadu muddada uu sharcigu dhigayo oo ah 7 maalmood gudahood, kana bilaabanta maalintii natiijada ku-meel-gaadhka ah lagu dhawaaqay, sida ku xusan qodobka 66aad, faqradda 1aad ee Xeer LR.20/2001.
  • Markay hubisay, xisaab ahaan iyo sharci ahaan dhammaan qoraallada raad-raaca ah ee xafiiska guud ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo natiijada ku-meel-gaadhka ah ee ay ku dhawaaqeen 21/November/2017.
  • Markay aragtay, qodobka 66aad, faqraddisa 3aad ee Xeer LR.20/2001, oo sheegaya Maxkamadda Sare markay hesho qoraallada raad-raaca ah ee xafiiska dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana hubiso xisaab ahaan iyo sharci ahaan doorashada inay ansixiso, natiijada doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka.
  • Markay aragtay, asbaabta kor ku xusan oo dhan, waxay soo saartay qaraarkan

Qaraarka Maxkamadda

Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ahi: Waxay ansixisay natiijada ku-meel-gaadhka ah ee doorashada Madaxtooyada 2017-ka ee ay u soo gudbiyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ah sidan:

  1. Xisbiga UCID oo helay: 23,141 cod, oo u dhiganta 4.17%
  2. Xisbiga KULMIYE oo helay 305,909 cod, oo u dhiganta 55.1%
  3. Xisbiga WADDANI oo helay 226,092 cod, una dhiganta 40.73%

Taas oo sharci ah, in xisbiga KULMIYE oo helay tirada ugu badan codadka, kuna guuleystay tartanka doorashada, murrashaxiintiisuna ku guuleysteen xilalka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo kala ah;

  1. Murrashaxa koowaad ee xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi Xildiid oo uu ku guuleystay jagadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. Murrashaxa labaad ee xisbiga KULMIYE, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Shirre oo uu ku guuleystay jagadda Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaraarkani waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay, 28/November/2017.”

Guddiga Garsoorka:

  1. Aadan Xaaji Cali Axmed: Waa Guddoomiye
  2. Maxamed Cumar Geelle: Xubin
  3. Cabdiqaadir Axmed Maxamed: Xubin
  4. Maxamed Faarax Siciid: Xubin
  5. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan: Xubin
  6. Cabdiraxmaan Xasan Nuur: Xubin
  7. Cabdillaahi Cabdi Aadan: Xubin
  8. Cali-shuceyb Sheekh Ibraahin Nuur: Xubin
  9. Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan: Xubin
  10. Yaxye Cali Idiris: Xubin
  11. Axmed Diiriye Qaalib: Xubin

Iyo Sahra Ismaaciil oo ah: Kaaliyaha Sare ee Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah,