Araweelo News Network

Alshabab2Nairobi (ANN)- Dawladda Kenya ayaa walaac xooggan ka muujisay in askar badan oo ciidankooda ka tirsnaa oo ku jira gacanta Al-shabaab loo adeegsado weerarrada joogto ah ee dagaalyahannada kooxdaasi ka fuliyaan gudaha Kenya.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay inay cabsi weyn ka qabaan in Al-shabaab askareyneyso askar tiro badan millatarigooda ka mid ahaa oo lagu qafaashay weerarkii khasaaraha culus dhaliyey ee kooxdaasi ku qaadeen saldhig ciidankoodu ku lahaa degaanka Ceelcadde, Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya dhowr bilood ka hor.
Walaaca xukuumadda Nairobi ayaa yimi kadib markii la helay xog ku aaddan in Al-shabab askaraynayaan ciidammo Kenyaan ah oo dhowaan u gacan galay kooxdaas, kuwaas oo baqdin weyn laga qabo in loo adeegsado weerarrada ay geystaan gudaha waddanka Kenya.
Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigay sarkaal hore uga tirsanaa bilayska dalkaas oo la sheegay inuu doonayey weerarro argagixiso ka fuliyo magaalooyinka dalkaas toddobaadkii hore.
Dhinaca kale, sirdoonka Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan dhallinyaro tiro badan dalkooda u dhashay oo Al-shabaab ka qorteen magaalada Isiolo, waxaanay walaac xooggan ka muujiyeen weerarrada sii kordhaya ee kooxdaas.
Boqollaal ka mid ah ciidammada booliska, millatariga iyo kuwa ammaanka ee Kenya ayaa la dhoobay Gobolka Woqooyi-bari iyo degaannada ku dhow xuduudka dalkaasi la wadaago Soomaaliya, si looga hortago weerarrada iyo qaraxyada Al-shabaab.