Araweelo News Network

galaydh2Buuhoodle (ANN) Hoggaamiyaha kooxda la baxday Khaatumo Pro. Cali Khaliif Galaydh, ayaa si rasmi ah u caddeeyey in maamulkiisu qaateen nabad iyo wixii danta bulshada ah inay kala hadlaan dawladda Somaliland oo uu muddo badan ka soo horjeeday jiritaankeeda.
Prof. Cali Khaliif Galaydh oo hadal u jeediyey kulan ay isugu yimaadeen xubno lagu sheegay inay yihiin Baarlamanka iyo wasiirrada maamulka Khaatumo oo ka dhacay guri ku yaal magaalada Buuhoodle shalay, kaasi oo lagu soo bandhigay natiijada wadahadal u bilaabay xukuumadda Somaliland iyo kooxda Khaatumo oo guddiyo kala matalayaa shir ku yeesheen magaalada Caynabo toddobaadkan, waxa uu sheegay in wadahadalkani ku saabsan yahay danaha iyo nabadda u dhaxaysa shacabka ku dhaqan Somaliland iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, isla markaana uu ku bilaabay jawi wanaagsan oo ay rajanaynayaan inuu guul ku dhammaado.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Wadahadallada aannu la yeelanay Somaliland sidaad ogtihiin shir bilow ah ayaa lagu qabtay Caynaba, hadal bilow ah oo aad iyo aad u fiican ayaa meeshaa ka soo baxay oo aannu kaga wadahadlayno maamulka Somaliland danaha naga dhexeeya iyo inta badan ee annagu aannu gaarka u leenahay, Shiinuhu waxay ku maahmaahaan ‘safar kun sanno qaataa hal tallaabo ayuu ku bilaabmaa,’ hadda si fiican buu noogu bilaabmay, waanuna u ballansanahay safarro kale Khaatumo iyo Somaliland inay gali doonaan, arrintan dan gaar ah oo Khaatumo ka wadataa ma jirto, Khaatumo waxa loo doortay inay metasho ummadda ku nool Sool, Sanaag iyo Cayn, iyagii ayuun bayna matashaa, waxay la gole tagtayna waxay beel gooni ah ama jilib gooni ah oo ka mid ah reer Khaatumo ugumay tagin inay danahooda kala doodo, intii loo dirayna umay tagin sidii la inooga bartay oo hadda dano gaar ah oo loo tagayaana ma jirto, masuuliyaddaasi ayaa saaran Khaatumo oo iyada ayey dadkeedu u dhiibteen ammaanadaas oo loo hayaa, wixii ka yimaadana masuuliyadeeda ayaanu leenahay.
Waxaannu rajaynaynaa wax badan baa nagaga xidhan wadahadalladaas aannu rabno in xal waara oo nabad ah la wada gaadho, dantayada oo qudha maaha waxaannu ka hadlaynaa ee waa dantooda (Somaliland), taayada iyo danta aaggan oo dhan, waa nabadda Geeska Afrika oo dhan waxaannu ka hadlaynaa. Waxa naga ballan ah annagoo shacabkayaga u daacad ah in aanaan marnaba indhaha ka qarsan baahida guud ee Geeska Afrika taal iyo baahida guud ee dadka Soomaaliyeed haysa.”
Waxa kaloo uu eedaymo u jeediyey maamulka taagta daran ee ka arrimaya Soomaaliya, isagoo farriin uu si dadban u dhigay u diray dadweynaha ku dhaqan Soomaaliya, “Annagu shacabka Soomaaliyeed ee Koonfureed waxba uma haysanno, haddii ayaan-darro dhacday hadda karis-xumi iyana wax ku la’, maamulka Xamar joogaa maaha annagoo keliya wuxuu ciilayo ee uu duudsiyayo, walaa Xamar buu duudsiyayaa haddana wax gacanta ugu jiraa ma jirto, waxaannu rabnaa dadkaasina in aannu xasuusinno hore annagaa u dhimanaynay, haddana annagaan ka marin-habaabaynin wuxuu shacabka Soomaaliyeed is-taahilo, laakiin raqba waa ku rageed,” ayuu yidhi.
Prof. Galaydh waxa uu tilmaamay in xidhiidh dheer iyo taariikh wax-wada lahaanshiyo ka dhaxayso Somaliland iyo shacabka ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, isla markaana waxa uu ka cawday dhibaato uu sheegay inay gaadhsiisay dawladda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo, waxaannu yidhi, “Annaga iyo shacabka Somaliland iyo xukuumadda Somaliland, dad hadda la isbarayo ma nihin, dad ka-ab ka-ab wada deganaa oo wadaaga iyo dhul iyo dhalasho, danahayagu si loo kala saarsaaro oo badani aanay jirin, taa macnaheedu maaha indhaha in aannu ka qarsanayno maamulkan maanta jooga ee Somaliland ee saaxiibkay Axmed Siilaanyo uu madaxda ka yahay hadda inta uu na gaadhsiiyey ilaa waqtigii Daraawiishta wax na gaadhsiiyey ma jiro, dhibaatada ay na gaadhsiiyeena waanu ognahay.”
Sidoo kale, kulan kooxda Cali Khaliif yeelatay waxa hadallo ku saabsan faa’iidada wadahadalka ay la fureen Somaliland iyo bilowga fiican ee uu ku dhammaaday fadhigii koowaad ka jeediyey guddigii u matalayey Khaatumo iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin; Cabdalle Maxamuud Haybe oo madaxweyne-ku-xigeen ugu magacaaban kooxdan, Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo isna matala Afhayeenka Baarlamanka, Kayse Cabdi Yuusuf oo ku astaysan Wasiirka Amniga, Maxamuud Ismaaciil Shabbac isna ku magacaaban Wasiirka Arrimaha Dibadda Khaatumo iyo xubno kale.