#Araweelo_News_Network.

Washington(ANN)-Mudanayaasha Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa xilka guddoomiyenimo ka xayuubiyay Kevin McCarthy, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, isla markaana tan iyo markii la doortay gollaha ku hoggaaminayay aqlabiyad koobban oo aan awood baddan lahayn.

McCarthy ayaa xil-ka-qaadista lagu sameeyay waxa sabab u ahaa kaddib markii ay ka horyimaadeen xubnaha mayalka adag ee midigta fog ee xisbigiisa Jamhuuriga, kuwaas oo uu hormuud u ahaa Matt Gaetz.

Arrintan ayaa lagu macneeyay mid taariikhi ah oo aan dalka Maraykanka hore uga dhicin, Waxaa socda baadi goob loogu jiro Afhayeenka aqalka wakiilada kaddib markii xisbiga Jamhuuriga Kevin McCarthy uu si lama filaan ah u riixay kacdoonka garabka midig ee xisbigiisa.

Jamhuuriyiintu waxay gacanta ku hayaan aqalka hoose ee Kongress-ka laakiin aqlabiyad aad u yar ayay ku hoggaaminayeen, taas oo sababtay in markii siddeedaad koox lagu tilmaamay innay yihiin fallaago ay ku biireen Dimuqraadiyiinta habeenimadii Salaasada, taas oo sababtay in  216-210 codbixintii ugu dambaysay lagu xidho.

Waa markii ugu horraysay oo sidan oo kale xilka looga qaado Guddoomiye Baarlamaan oo haya mid ka mid mansabyada iyo shaqooyinka ugu sarreeya siyaasadda Maraykanka, isagoo sidoo kale Kevin McCarthy noqday guddoomiyihii doorasahdiisu ugu foolka adkayd taariikhda Maraykanka, wixii ka danbeeyay 1923.

Laxidhiidha: Washington: Guuldarada Kongaresska Maraykanka Iyo Xiisadda Loollanka Afhayeenka

Kevin McCarthy Maxaa Looga Qaaday Xilka?

Kooxda Mudanayaasha ee lagu tilmaamay Fallaagada waxa hoggaaminayay xubin ka tirsan Kongress-ka Florida, kaas oo ah, Matt Gaetz kaddib markii Mr McCarthy oo ku tiirsanaa codadka Dimuqraadiga si uu u helo heshiis hoose oo ahaa kii la gudbiyay Sabtidii si looga hortago sharciga lagu xakamaynayo dowladda.

Hase yeeshee, Mr Gaetz waxa uu ku eeddeeyay in uu heshiis dhinac ah oo sir ah la galay dhammaadkii todobaadkii hore Madaxweyne Biden, kaas oo ku saabsanaa gargaarka Ukraine.

Laakiin arrintan eeddaynta ah ayaa ahayd falkii u dambeeyay ee sheekooyinka sannadka oo dhan ka dhex guuxaysay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo  kooxda garabka midig ee xisbigiisa, kuwaas oo horeba doorashadiisa u diidanaa.

Mr Gaetz iyo kooxdiisa ayaa hore u sameeyay isku day ay doonayeen innay ku hor istaagaan doorashadiisa jagada  Guddoomiyaha Kongress-ka bishii January 2023, iyagoo sheegay inaan lagu aamini karin inuu meel mariyo mabaadiida iyo siyaassada qorshayaasha muxaafidka.

Laakiin Aragtidooda ayuu caddeeyay muddo kaddib, isagoo heshiis la galay Dimuqraadiyiinta bishii Jun, si kor loogu qaado deynta iyada oo aan lasoo saarin arrinta qotada dheer ee ay rabeen.

Xilligan kooxda lagu eeddeeyay khiyaano, ayaa qaar ka mid ah Jamhuurigu u sheegayaan si cad innay ceydhiyaan Mr Gaetz. waxaana la filayaa in xilka Guddoomiyaha loo doorto Jim Jordan.

McCarthy Yaa Lagu Bedeli Doonaa?

Kongress-ku wuxuu galay xilligan fasax muddo toddobaad ah, waxaana ay mudanayaashu mudadaa ka doodi doonaan cidda ay ku taageerayaan codaynta guddoomiyaha cusub.

Maalinta Arbacada ee 11 Oct, 2023, ayaa loo qorsheeyay aarintaa, laakiin waxa la saadaalinayaa innay qaadankarto maalmo ama toddobaadyo si loo helo muddane heli kara taageerada aqlabiyadda Aqalka oo noqda Guddoomiyaha cusub.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com