Araweelo News Network.

Seoul(ANN)- Munaasibad ka scotay caasimadda dalka Koonfur Kuuriya ayaa isu rogtay murugo iyo naxdin, kaddib masrkii masiibo ka dhalatay dadka kasoo qaybgalay ka dhacday caawa.

 

Munaasibada ayaa loo malaynayay inay ahayd habeen xafladaha Halloween, iyadoo ay dadku faraxsanayeen, balse waxay si lama filaan ah u noqtay goob dhimasho iyo argagax, markii laga soo daayay warbaahinta muuqaal argagax leh.

Ilaa hadda, waxa la xaqiijiyay in ay  149 qof ayaa ku dhimatay, in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo masuuliyiinta Koonfurta Kuuriya ay ku tilmaameen in ay masiibadu ka dhalatay, kaddib markii ay dhacdo isbuurasho.

Boqolaal qof, ayaa la saaray gaadiidka gurmadka degdega ah ee caafimaadka Ambalaasyada si gurmad deg deg ah oo caafimaad loogu fidiyo, kaddib markii ay neet qabatoobeen.

Dadka ayaa ku soo yaacay goobta iyadoo dadkii ag taagnaa ay bilaabeen inay CPR ku maamulaan dadka dhulka jooga, waxaana la arkayay kuwo gidaarada fuulaya.

Madaxweynaha dalka ayaa ka codsaday kooxaha musiibooyinka inay si deg deg ah uga shaqeeyaan sidii ay u aqoonsan lahaayeen dadka dhintay oo aan weli tiradooda saxda ah la hayn, millateriga Maraykanka ayaa si deg deg ah ugu gurmaday goobta wax ka dhaceen.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com