Araweelo News Network.

Saraakiil Iyo Suxuyihiin Ka Mid Ah Dadka Ku Dhintay Iyo Kuwa Ku Dhaawacmay

Muqdisho(ANN-Qaraxyo xidhiidh ah, oo is xigxigay ayaa maanta duhurkii lala beegsaday dhismayaal dowladeed oo ku yaal degmada Hodon ee bartamaha magaalada Muqdisho, halkaas oo ah duleedka Isgoyska Soobe oo ay ku yaaliin dhimaha wasaaradda Waxbarashadda Waxbarashada iyo dhismayaal kale.

Baabuur laga soo buuxiyay walxaha qaraxyada loo adeegsado ayaa si toos ah loola beegsaday dhismaha wasaaradda Waxbarashada oo ka ag dhow Isgoyska caanka ah ee Soobe.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, sida ay ku faafisay bayaan kasoo baxay xarakada oo lagu baahiyay degelada inta baddan lagu daabaco wararka Al Shabaab, iyagoo si cad u sheegay in bartilmaameedku ahaa dhismaha wasaaradda Waxbarashada.

Ilaa hadda si dhab ah looma ogga tirada daxda ah ee khasaaraha qaraxyada, mana jirto tiro dhimasho iyo dhaawac ay xukuumadda Federaalku ka soo saartay, iyadoo Afhayeen u hadlay Booliska dawladda Federaalka uu dhankooda sheegay in dad baddan ku dhinteen qaraxyadii maanta, balse wuxuu  sheegay in aannay hayn tiro rasmi ah, balse ay si hordhac ah ay usheegi karaan dhimashada 24.

Afhayeenka Booliska Gaashaanle Saadiq Aaden Cali (Duudishe, ayaa ku sifeeyay weerarka fal argagaxisnimo oo cadawgu soo abaabulay, sidoo kale, wuxuu xusay in dadka ku waxyeeloobay ay ahaayeen inta baddan dad shacab ah,maadaama sida uu sheegay ay goobta qaraxyadu ka dhaceen ahaayeen goobo dadka shacabka ah ku badan yahay, isagoo xusay in tirada rasmiga ah ee khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ay si rasmi ah u shaacin doonaan.

 

Hase yeeshee warar kale, ayaa tibaaxaya in khasaare intaa ka baddan ay sababeen qaraxyadu, islamarkaana dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay ku jiraan saraakiil dawladda ah, suxufiyiin iyo dad shacab ah, kuwaas oo aan si dhab ah loo ogayn tiradooda.

Balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in y taliyihii Booliska degmada Hodon oo lagu magacaabi jiray Xuseen Ceydiid uu ku dhintay qaraxa, waxa kale oo wararka hordhaca ah sheegayaan inuu qaraxa ku dhintay Axmed Shiddo oo ka tirsanaa saraakiisha NISA iyo sidoo kale wariye Maxamed Ciise Koona oo ka howlgelayay warbaahinta Muqdisho oo goobta ku sugnaa, iyadoo ay jiraan sida ay wararku sheegayaan weriyayaal kale oo dhaawacyo kasoo gaadheen qaraxyada.

Qaraxyada maanta ayaa kusoo beegmay, xilli ay xidhnaayeen inta badan waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo madaxda ugu sarraysa dowladda ay ka qeyb gelayeen shir lagaga hadlayay ladagaallanka kooxda Al shabaab.

 

 

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Xamse, ayaa canbaareeyay qaraxyada, waxayna ku hanjabeen in dagaal la gelayaan kooxda Al Shabaab oo dhowaan laga saaray deegaamo baddan oo Soomaaliya, wallow aannay muuqan in awoodda Al Shabaab si weyn loo wiiqay oo ay weli leeyihiin awood aan la dheelsan karin marka la eego sida ay weeraerada qaraxyada maanta uga fuliyeen magaalada, kuwaas oo kusoo beehmay xilli ay dawladda Federaalku ku dhawaaqaysay in laga adkaaday Al Shabaab oo la jebiyay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com