Araweelo News Network

Mujaahid Maxamed Kaahin Araweelo news Network

Mujaahid Maxamed Kaahin Araweelo news Network

Hargeysa (ANN)Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku eedeeyey xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI inuu ka shaqaynayo isku dirka dawladda Somaliland iyo beesha caalamka.
Guddoomiye Maxamed Kaahin waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu xidhiidh dhaw oo wadashaqayneed la leeyihiin beesha caalamka, isla markaana diyaar u yihiin sii socoshada jawigaasi.
“Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa xidhiidhka aad u wanaagsan bay la leedahay beesha caalamka, wax iska beddelayna ma jiraan oo waagii horena xidhiidhkeeda ha la hagaajiyo ayuun baanu odhan jirnay, iminka xisbiga KULMIYE heerkii ugu wanaagsanaa ayuu wadashaqayn kula leeyahay bulshada caalamka. Xisbiga WADDANI isagu xilka uu iminka hayaa waxa weeye inuu bulshada caalamka iyo dawladda Somaliland isku diro,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed oo waraysi siiyey telefishanka madaxbannaan ee HCTV shalay.
Md. Maxamed Kaahin oo hadda ah ku-simaha Guddoomiyaha KULMIYE, waxa kaloo uu ka hadlay aragtida xisbi ahaan ay ka qabaan siyaasiyiintii ka cadhooday shirkoodii golaha dhexe ee hadda heshiiska la galay xisbiga WADDANI, waxaannu yidhi, “Siyaasaddu waa qofku sida uu isagu doorashadiisa u qaato, qaar badan baa maalin walba xisbiyada kale ka soo baxa oo xisbiga KULMIYE u yimaada, markaa fajaciso maaha qolo annaga naga tagtay inay qolo kale door-biday inay ku biiraan. Annagu khilaafkayagii ka bilaabay shirkii hore aad iyo aad baanu u soo kabanay, dad tiro yar ayaa iminka arrintaa ku jira, iyaguna go’aankooda meeshay u qaataan iyaga ayey taalaa.”
Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE oo wax laga waydiiyey eedaymo xisbigooda ku xidhiidhiyey inuu ku lug leeyahay khilaafka xisbiga kale ee UCID, waxa uu kaga jawaabay arrintaasi, “Horta xisbiyadu waa hay’ado qaran, xisbi waliba iskii ayuu u dhisanyahay. Cabdiraxmaan Cirro oo Guddoomiye ka ah xisbiga WADDANI markii uu ka jabay xisbiga UCID ma KULMIYE ayaa ku yidhi ka bax UCID, annagu meelna ugama nimaadno, meelna waxba nalagama saaro, taa beddelkeedase qolada WADDANI iyagaa gacanta kula jiray is-qabadkan dambe ee iminka maxkamaddu go’aanka ka gaadhay oo aan dhex ka ahayn, annaguna dhex baanu ka nahay xisbiyada wixii loo kala xukumay iyo waxay yeeshaan iyaga ayey u taalaa.”
Mar kale Maxamed Kaahin Axmed waxa uu jawaab ka bixiyey eedmo ballan ka bax ah oo Guddoomiyaha WADDANI u jeediyey murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi,
“Horta waxa layaabka lihi waxa weeye qofku marka uu doonayo qof kale ballamo uu ka bixi jirey iyo arrimo caynkaas ah inuu xogogaal u yahay ayey u baahan tahay, su’aasha isweydiinta lihi waxa weeye markii uu Muuse Biixi ballamaha ka baxayey muddadii uu halganku socday Cabdiraxmaan Cirro halkee buu joogay,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin, waxaannu intaa ku daray hadalkiisa, “Waxa layaab leh xisbi mucaarad ah oo ku degdegaya doorashada waa la arkaa, mid dabada haya oo doonaya inay korodho oo aanay qabsoomina lama hayo, farqiga noo dhexeeyaa waakaa (KULMIYE iyo WADDANI), annaga xisbi ahaan doorashadu waa naga diyaar, murrashaxayaga waa ka diyaar, Madaxweynaha xilka fadhiya iyo xukuumaddiisana waa ka diyaar.”