Araweelo News Network

madaxweyne silanyo iyo guddoomiyaha WADDANi

madaxweyne silanyo iyo guddoomiyaha WADDANi

Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE waqtigii uu mucaaridka ahaa aad u jeclaa beesha caalamka, laakiin uu hadda nacay.

Guddoomiye Cirro oo ka hadlay xaflad lagu soo bandhigay gunaanadka diiwaangelinta codbixiyeyaasha shalay, waxa uu qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ku wargeliyey in looga baahan in aanay ka hadhin hawlaha doorashooyinka Somaliland.
“Qolyaha KULMIYE ee aannu saaxiibka nahay kelmad baan odhan lahaa oo berigii uu KULMIYE mucaaradka ahaa beesha caalamka aad bay u jeclaayeen. Markii ay lixda qodob saxeexayeen aad bay u jeclaayeen ee ay doorashadu ku suurto-gashay, markaa waxa aan leeyahay bal beesha caalamka aad ha ugu fogaanina,” ayuu yidhi Cirro.
Waxa kaloo uu intaas ku daray, “Qaadhaan-bixiyeyaasha runtii waan u mahad-naqayaa waxase aan leeyahay hawshii weli may dhammaan, xukuumadda Somalilandna hawsha intii loogu tallo-galay in ka badan bay bixisay, marka waxa iyaga laftooda looga baahan yahay in aanay hawsha halkii kaga hadhin ee ay dhammaystirkeeda haddii ay doorashada iyo diiwaan-gelinta tahay ba ay gacantii ay ku lahaayeen ay sii wado.”

Guddoomiyaha WADDANI, ayaa tilmaamay in dhamaystirka diwaangelinta codbixiyeyaashu ay guul taariikhi ah u tahay Somaliland, waxaannu yidhi; “Maanta waa maalin suntan oo ku suntanaan doonta taariikhda Somaliland, marar hore ayeynu isku daynay in aynu diiwaangelin samayno,se nasiib-darro way innaga xumaatay. Maanta diiwaangelin baa inoo dhammaystirantay oo aynu u xafladeynaynaa in si wanaagsan ay innoogu dhammaatay diwaan-gelintaasi. Waa guul u soo hoyatay Somaliland oo aynu muddo ka dhur sugeynay.
Waxa aan hambalyeynayaa dhammaan qaranka Somaliland, waxa aan hambalyeynayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo lafdhabar u ahaa hawshaas. Waxa kaloon hambalyeynayaa cid kasta oo haddii ay dhaqaale tahay iyo haddii ay farsamo tahay ba ku biirisay si ay arrintaasi u guulaysato oo ay ugu horreeyaan qaadhaan-bixiyeyaasha iyo xukuumadda Somaliland iyo cid kasta oo gacan ka geysatay ba.”
Waxa kaloo uu madashaas ku soo bandhigay sheeko gaaban oo duur-xul ah, “Doorashada iyo diiwaangelinta waxa aan ku soo gunaanadi lahaa eray yar oo ah; ‘Hore waxa loo yidhi hooyo wanaagsan baa dhimatay oo carruur badan lahayd, deedna carruurtii mid ka mid ah ayaa waxa uu yidhi, hooyadeen aas wanaagsan baa u dhacay, markaas baa inta uu mid kale hadlay yidhi waa haddii axanku raaco.’ Markaa diiwaangelin wanaagsan baa innoo dhacday, waanna aynu ku guulaysanay, laakiin waa haddii ay doorashadu waqtigeedii inoo qabsoonto,” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.