Araweelo News Network

muse biixiHargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku baaqay in doorashadu noqoto mid wanaag iyo midnimo u horseeda dalka Somaliland, si taasi loo helana laga ilaaliyo qabyaaladda.
Guddoomiye Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey xaflad loo sameeyey gunnaanadka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Somaliland oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha dalka Md. Axmed Siilaanyo iyo madaxda xisbiyadu, waxa uu codsiyo la xidhiidha doorashada u kala diray shacabka, Madaxweynaha, xisbiyada iyo xukuumadda.
Md. Muuse Biixi ugu horreyn waxa uu ka hadlay dhammaystirka diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo xisbiyada, waxaannu yidhi, “Guddiga Doorashooyinka aad iyo aad baan u hambalyeynayaa iyaga inta la shaqaysayba, waxaanad na tusteen kalsooni ah inaad doorasho qaban kartaan oo dad muddakar ah oo xilkooda kasoo baxay tihiin aad iyo aad baad u mahadsan tihiin. Waxaan ku darayaa inaynu u diyaar garowno doorashadii oo aad doorashadaas u qabataan si caddaaladi ku jirto oo had goor mucaaridku way iska shaki badan yihiin ay walaalaheena mucaarid iyo muxaafidba iimaansadaan.
Waxaan u mahadnaqayaa intii is-diiwaangelisay, intii ka qaybqaadatay hirgelinta diiwaangelinta, waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa ciidammada Qaranka oo suurtogaliyey in diiwaangelintu ka qabsoonto guud ahaan xuduudka Somaliland.”
“Xisbiyada waxa laga rabaa dadka inay doorasho u horseedaan, inay dadka qabiilka ka saaraan oo ay mideeyaan, inay dantooda gaarka ah ka horumariyaan ta guud mar hadday masrixiyadda soo istaageen, waxa ugu sii mudan xisbigu inuu qarankiisa ilaaliyo oo aannu xukuumaddiisa uga war-dadaboon dawladda kale ileyn markaa qaranimada ayuu ka gudbayaaye.
Waxaan raacsanahay in doorashadu waqtigeeda dhacdo, Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Ruqe ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo, doorashada haddii aannu xisbiyada nahay haddaanu dabada sii dayno oo hinjinno waqtigeedii way dhacaysaa, laakiin haddii xisbiyada qaarkood dabada jiidaan waxa laga yaabaa in dhibaato ingu timaaddo.
Halna waa yaab, KULMIYE wuu jeclaa qolada qaadhaan-bixiyayaasha iyo bulshada caalamka, haddana wuu jecelyahay, berigii aannu lixda qoddob saxeexaynaynay waxaannu ku riixaynay doorashada waqtigeedii ha dhacdo oo yaan dib loo dhigay, haddana caalamka iyo cid walba waxaannu leenahay doorashadu maalinteedii ha dhacdo oo yaanay dib u dhicin. Weli lama arag mucaarad diiddan in doorashadu waqtigeedii ku dhacdo iyo muxaafad leh doorashadu dib yey u dhicin ee waqtigeedii ha dhacdo. Maantana waxaannu leenahay doorashadu waqtigeedii ha dhacdo oo yaanay dib u dhicin, weliba Madaxweynuhuna ma sharraxna oo waxaannu leenahay oday ruug-caddaa ah baad tahaye si xaq ah oo xisbigaagana aan ahayn ee xisbiyada oo dhan u siman ugu gar-qaad, doorashadana waqtigeedii noo qabo,” ayuu yidhi Murrashaxa jagada Madaxweynaha KULMIYE.
Waxa kaloo uu ugu baaqay xukuumadda inay diyaariso dhaqaalaha ku baxaya doorashada, isla markaana waxa uu farriin u diray guud ahaan shacabka reer Somaliland oo uu kula dardaarmay in doorashooyinka laga ilaaliyo qabiilka, waxaannu yidhi, “Xukuumadda waxaan leeyahay aad baa la idiinku mahadnaqay kharashkii hore aad bixiseen ee diiwaangelinta, ka soo socda ee codbixintana cidna haku hallaynina’e xukuumadda ka qaaddo kharashka soo socda si doorashadu waqtigeeda ugu dhacdo, taas ayuun baynu ku kala shaki bixi karnaa.”
“Dadweynaha waxaan leeyahay doorasho ayeynu ku jirnaa, doorashadu waa inay wanaag iyo midnimo inoo horseedaa, haddaynu doorashadii qabiil u rogno oo aynaan mabaad’ii dawladnimo u jeedin, haddana aynu dawladnimo doonno labadaasi isma qabtaan, waxay ila tahay dadku waa inay doorashada u arkaan qaranimo iyo dawlad qaranka oo dhan midaysa oo ay taas ku codeeyaan ee aanay innaga noqon reer hebel imisa ayuu helay iyo reer hebel imisa ayuu helay, taasi waa dib u dhac ee doorasho maaha.”
Ugu dambayntii, waxa uu soo dhaweeyey oo uu uga mahadceliyey shacabka gobollada Sool iyo Sanaag-bari sidii ay uga qaybgaleen diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo tallaabada maamulka kooxda Khaatumo wadahadalka kula fureen dawladda Somaliland.