Araweelo News Network

silanyosafakuwait2
Hargeysa (ANN)Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa safar shaqo ugu baxay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska fiidnimadii xalay.
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Xuseen Aadan Cige (Dayr), kaasoo u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa 26/9/2016 abaarro 6:12PM, saacadda Hargeysa (xalay) safar-hawleed ugu kicitimay dalalka Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Ingiriiska (UK). Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinaya marwada koowaad ee qaranka Amina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.
Safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaadan doono maalmo dhawr ah haddii Allaah idmo wuxuu daarran yahay dar-dargelinta hawlo qarankeenna muhiim u ah oo innaga dhexeeya wadammada Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, Horumarka iyo Iskaashiga, iyo arrimo kaleba. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ku sii hakan doonaan Dubai, halkaasna waxay uga sii gudbi doonaan London,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.