Araweelo News Network
warancade1
Laascaanood (ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa shaaciyey digniin culus oo laga qaadi doono colaadda laba beelood oo walaalo ah ku dhexmaraysa deegaanka Dharkayn Geeyo ee Koonfurta Gobolka Sool.
Wasiir Warancadde oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin wasiirrada Warfaafinta iyo Caddaaladda iyo xubno kale gaadheen magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka, waxa uu sheegay in gacan adag oo ciidanimo laga qaadi doono cid kastoo u hoggaansamiwayda awaamiirta dawladda la xidhiidha joojinta colaaddaasi.
Md. Cali Warancadde oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood, waxa uu sheegay in aan loo dulqaada doonin waxa ka dhacay gobolka Sool, waxaannu yidhi, “Runtii waxyaabo naxdin leh ayaa ka dhacayey gobolka oo aan loo baahnayn, ka dawlad ahaana waxaannu jecelahay inaanu ka qaadanno wixii nagaga aaddan qaran ahaan. Dadka shacabka ah waxaannu ugu baaqaynaa inay nabadda halkeeda ku soo celiyaan, waxa kaloo aannu u sheegaynaa in dawladdu gacan adag wax kaga qaban doonto, lama eegan karo shacabka reer Somaliland in si macno la’aa ah ay maalin walba ugu dhintaan kaymaha, waxaannu gelin doonaa awood ciidan cid alla ciddii u hoggaansamiwayda awaamiirta dawladdana waxay noqon doonaan kuwo dabka la saaro, wixii khasaare ah eek u yimaadana waa mid ay iyagu isku qabi doontaa oo aan cidna la waydiin doonin, sidaa awgeed waxaannu ugu baaqaynaa inay ilaashadaan naftooda, maalkooda iyo sharaftoodaba.”
“Waxaannu halkan u nimi in ciddii loo taagwaayo gacan bir ah wax kaga qabanno dhinac kasta ha ahaato cid alla ciddii u hoggaansamiwayda nabadda, awaamiirta qaranka iyo dadka isku xilsaaray ee arrintan ka shaqaynaya waxaannu ula tagi doonaa gacmaha wixii ku yimaadana iyagaa ka masuul noqon doona,” ayuu yidhi Md. Warancadde.
Waxa kaloo uu u mahadceliyey madaxdhaqameedka, xildhibaannada Guurtida iyo dhinacyada kale ee ka shaqaynaya xallinta colaadda Dharkayn Geeyo