Araweelo News Network

kooxda baaqadoorashooyinkaHargeysa(ANN)Qaar ka mid ah mrrashaxiinta u tartamaaya doorashooyinka mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo ka soo kala jeeda gobolada dalka oo dhan, isla markaana ka sharaxan saddexda xisbi qaran, ayaa si adag uga hadlay mawqifkooda la xidhiidha in la kala qaado labada doorasho ee madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee u muddaysan inay qabsoomaan bisha March ee sannadka 2017, haddii Ilaahay yidhaah.
Murashaxiin tiradoodu dhan tahay 37 xubnood oo shir ku qabtay hudheelka Fish And Steak ee magaalada Hargeysa shalay, ayey ka soo saareen war-murtieed xambaarsan farriin baaq ah oo ay u direen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyagoo ka codsatay inuu hirgeliyo go’aankiisa uu ku caddeeyey in doorashooyinku ku qabsoomayaan waqtiga loo muddeeyey oo ah 28 March 2017, isku marna la qabto labada doorasho ee madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.
War-murtiyeedka ay soo saareen murrashaxiintu oo uu saxaafadda u akhriyey murrashax Xasan Kayse, waxa uu u qornaa sidan;
“Ujeedo: Qabsoomida Doorashadda Madaxtooyada iyo Wakiillada
Mudane Madaxweyne, waxaannu nahay muwaadiniin Somaliland ah oo xaq u leh in la doorto, waxna doortaan.
• Markaanu aragnay Go’aanka Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee lambarkiisu yahay GG/JSL/Go’aanka lambar 04/05/2015, kuna taariikhaaysan 11/04/2015, ahna Go’aanka Muddo-kordhiinta xilka Madaxweynaha, madaxweyne- ku-xigeenka iyo Goleyaasha Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida).
• Markaanu aragnay Qaraarka fasiraadda ah ee Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland, summadiisuna tahay MS/DD/22/2015, kuna taariikhaysan 18/08/2015; taas oo go’aamisey doorashada madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu dalka ka dhacdo 28 March 2017.
• Markaanu aragnay digreetada madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqan-geliyey wakhtiga ay qabsoomayaan Doorashooyinku, sumaddeduna tahay JSL/M/XERM/249-3569/092015, kuna caddeeyey in doorashooyinku qabsoomaan 28/03/2017.
• Markaanu aragnay qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadiisu tahay GDQ/XK/444/2015 ee ku taariikhaysan 08/09/2015, ujeeddadiisuna tahay cayimaadda wakhtiga Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee 28/03/2017;

Haddaba, intaa kadiba waxaannu isu diyaarinay in aannu isu taagno murrashaxnimada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo aannu si buuxda uga hawlgalnay diiwaangelintii codbixiyayaasha ee ka qabsoontay goboladii laga hirgaliyey, diyaarna aannu u nahay gobolada hadhay. Sidaa darteed, waxaannu maqlaynaa in la wadwado in la kala reebo doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.
Mudane Madaxweyne, waxaannu aaminsanahay in aad diyaar u tahay inay qabsoomaan doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu wakhtigii aad digreetada ku cayintay ee 28/03/2017.
Mudane Madaxweyne, waxaannu ku xasuusinaynaa in wakiillada hadda fadhiyaa 5 sanno kaa horeeyeen, haddana ay marayaan 12 sanno, welina doonayaan in loo sii kordhiyo muddo kale.
Sidaa darteed, in aanay xaq ahayn, Dastuurkana waafaqsanayn in muddo dambe loo kordiyo. Waxaannu ka soo horjeednaa wax kasta oo hakad galinaya amma dib-u-dhigaya doorashada madaxtooyada iyo Wakiillada.
Mudane madaxweyne, waxaannu kaa codsanaynaa in aad go’aan madaxwayne qaadato, doorashaduna ku qabsoonto wakhtigii aad cayintay,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka ka soo baxay murrashaxiinta diyaarka u ah inay ka qaybgalaan doorashada Golaha Wakiillada horaanta sannadka soo socda ee 2017, haddii Ilaahay yidhaah.
Xubno ka mid ah murrsahxiinta ka soo kala jeeda gobolada dalka oo ay ka mid yihiin murrashax Maxamuud Xasan Xaashi, murrashax Afgaab Guuleed Jaamac, Murrashax Aadan Jaamac Cabdillaahi, Murrashax Axmed Faarax Gurey iyo murrashaxiin kale oo saxaafadda la hadlay, ayaa ku bogaadiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) go’aanka uu ka qaatay in aanay wax dib-u-dhac ah ku iman doonin doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, waxayna ka codsadeen inuu si buuxda uga shaqeeyo sidii loo hirgelin lahaa go’aankiisa, una badheedho si la mid ah go’anka madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ka qaatay doorashadii Golaha Wakiillada sannadkii 2005, waqtigaas oo golihii hore ee wakiilladu doonayeen in dib loo dhigo doorashadda.