Araweelo News Network

faysal UCIDHargeysa (ANN) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in aanay aqoontu wax wanaag ah u soo kordhinin dalka Somaliland, balse taa beddelkeeda ay kor u sii kacayaan dhaqamo burburinaya qaranimada oo ay ugu horreyso qabyaaladdu.
Eng. Faysal oo hadal ka jeediyey xaflad lagu furayey farac cusub oo Jaamacadda Unity oo laga leeyahay Itoobiya ku yeelatay caasimadda Hargeysa, waxa uu sheegay in reer Somaliland is dhexwadaan qaran dhis iyo sii xoogaynta qabiilka oo halis ku ah dawladnimada.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayey waxa uu yidhi; “Somaliland wax baynu is-dhex wadnaa. Tacliintii waxaad mooddaa dadka reer Somaliland in aanay ku duxin oo sidii dhagax roob ku da’ay oo kale, dhinac waxaynu ka wadnaa qaran dhis, geesna waxaynu ka wadnaa qaran dumin oo qabiilkii baa la xoojinayaa oo guddiyo loo samaynayaa. Labadu isma qabtaan ee ama waa in aynu noqonno beelo is agyaala oo is-nabadgaliyey ama aynu awoodda qaranka dhisno oo cudurrada dilaya aynu ka dayno.
Tacliintu waxay u soo kordhisay dadka reer Somaliland hunguri wayni iyo wax la yidhaa aniga aniga oo wax kale oo dan qaran ah aan la eegayn.”
“Maanta ma jirto maalin aynu ka culimo badannahay, maalin aynu ka qabyaalad badannahayna ma jirto, maalin aynu ka mutacallimiin badannahay ma jirto, maalin aynu ka qabyaalad badannahayna ma jirto, maalin aynu ka dil badannahay ma jiro oo qabaa’ilkii baa is dilaya, sababtoo ah dadkii ka shaqayn jiray nabadda ee cuqaasha iyo salaadiinta lahaa ayaa iska iloobay oo ilaa aad isaga lacag ugu shubtid telefoonka reerkoodii tagimaayo oo dhiigga qubanaya qabanmaayo. Markaa waa in aynu nabadda ka shaqaynno oo ka baxno wada siyaasadda iyo qabiilka, waayo qabiil iyo qaran dhis isma qabtaan oo isma galayaan,” ayuu yidhi.
Waxa kaloo uu sheegay in looga baahanyahay dalka Somaliland inuu la tartamo waddamada jaarka ee horumarka gaadhay oo aanay ku mashquulin Soomaaliya oo gubanaysa, waxaannu yidhi; “Waxay ila tahay dalkani wuxuu u baahan yahay in aynu la tartanno dalalka Eratariya iyo Itoobiya oo saddexda dalba isku mar dawladahoodii isbeddeleen, mana aha in aynu nidhaahno Soomaali innagaa ugu fiican oo aynu Xamar isku dhererinno, Xamar dagaallo ayaa ka socda oo shayaadiin baa gashay, jin iyo jaan baa ka buuxa, maaha in aynu taa ku dayano ee waa in aynu la tartannaa waddamada aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo Erateriya ka mid tahay ee aynu mar xukunka la wada wareegnay.”
“Markaynu Xamar tagaynay muus umaynu doonan ee shan Soomaaliyeed baynu doonaynay, maanta shantii mid kastaba Ilaahay meesheeda khayr ha ku siiyo, Jabuuti waataas oo dheregtay, Jigjiga way nuuraysaa. Gaarisa waad aragteen oo waa caasimad, Xamar uun baa innaga bugtee Ilaahay ha bogsiiyo,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha UCID.