Araweelo News Network

 

.
Hargeysa(ANN)-Shirkadda Dahabshiil ayaa u qabatay Xafladd mahadnaq ah Sanadeedka Shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil ee Magaaladda Hargeisa, munaasibadaas oo ay ka soo qayb galeen, Shaqaalaha, Maamulka Sarre ee Xawaaladda iyo Sarrifka.

Caweysinkan oo ka dhacay Damal Hotel ayaa isugu jiray kaftan, Casho, madadaalo iyo Abaalmarino ay ku guulaysteen qaar ka tirsan Shaqaalaha Shirkaddu.

ugu horeyn Waxa munaasibadda ka Hadlay Maareeye ku xigeenka Shirkadda Dahabshiil Mudane Ahmed Warsame Ducaale, Halkaas oo uu uga mahadnaqay Shaqaalaha Sida xilkasnimadda leh ee ula shaqeeyaan isla markaan ku dhiiri galiyey in ay halkaas dadaalka kasii wadaan.

waxa isna sidoo kale ka Hadlay Munaasibadda Gudoomiyaha Shaqaalaha Shirkadaha Dahabshiil Group Ahmed Farah Jama oo Shaqaalaha uga Mahadnaqay kartidooda iyo gaadhsiinta Shirkadda ee qorshayaasha sanadka 2017.

Ahmed Farah Ayaa ku daray in Sannadka soo Socda abaalmarinaha loogu guulaysan doono sanadkan si ka duwan, isaga oo sheegay in lasoo xuli doono shaqaalaha ugu Wanagsanaada Sanadkaas, isla markaana lagu abaal marin doono Hadyaddo qaali ah.

Farah ismail Ali iyo Abdiqadir Hussein oo ka mid ah Madaxda Sarre ee Xawaaladda Dahabshiil ayaa iyugna dhankooda Maamulka iyo Shaqaalaha Shirkadda u hambalyeeyay guulaha ay shirkadu gaadhay, ugana mahadnaqay munaasibadda quruxdabadan ee la soo agaasimay.

Waxa isna Munaasibadda ka hadlay Wakiilka Shirkadda Dahabshiil ee UK Ibraahim M Yusuf oo isna ka waramay guulaha ay shirkaddu ka gaadhay Qaaradda yurub, gaar ahaan UK.

Maareeyaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Mudane Abdirashiid Farah Ahmed oo Shaqaalaha uga Mahadnaqay guusha ay gaadhay Shirkaddu, isaga oo sheegay in halkii ay ugu talo galeen meelo ka wanaagsan ay gaadhay Shirkaddu, waxana uu yidhi “Aad iyo aad ayaan idiinka mahadnaqayaa sida aad iila shaqaysaan, sida aad ula shaqaysaan maamulka iyo sida xilkasnimadda leh ee aad u gudataan Shaqadiin, Waxaad markale Xaqiijiseen qiimaha aad ugu fadhidaan Shirkadda Dahabshiil.”

Ugu Dambayntii ayaa munaasibadda waxa lagu soo khatimay Casho Sharaf iyo Maawaalo iyo Abaalmarino ay ku guulaysteen Shaqaalaha Qaar ka mid ahi.

Sacad Muse Abdi
Head of Advertisement
DMT Public Relation & Media