Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Shirweynihii lixaad ee Ururka Suxufiyiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee SOLJA oo ka qabsoomay hudheelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa , ayaa lagu doortay 15 xubnood oo ah guddida fulinta SOLJA, kuwaasoo iyaguna iska dhex doortay Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeen iyo Xoghaye Guud.

Shirweynaha Ururka SOLJA oo la qabto saddexdii sanno hal mar, waxa shirkiisa lixaad lagu qabtay xilligii loogu talogalay oo aannu wax muddo-dhaaf ah ku iman, iyadoo shirweynihii shanaad qabsoomay bishii December ee sannadkii 2014, halkan shirweynihiisa lixaadna la qabtay 30 December 2017, waxaana shirkan joogay in ka badan 100 suxufi ahaa ergooyin kala kala socday gobollada dalka Somaliland.

Furitaankii shirweynaha SOLJA waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Maxamed Muuse Abees, masuuliyiin ka socday hay’adaha caalamiga ah ee wada shaqaynta la leh Ururka SOLJA, goob-joogayaal ka socday Bulshada Rayidka ah iyo marti-sharaf kale oo lagu marti-qaaday.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo shirka Ururka SOLJA furay, ayaa yidhi; “Runtii farxad ayey ii tahay in aan idin kala soo qeybgalo shirweynaha lixaad ee Ururka Suxifiyiinta Somaliland SOLJA oo aannu mar walba qiimeynayno, isla markaana aannu qaddarinayno, isu imaatinkiinu uu yahay sida xeerkiinu dhigayey in aad ku doorataan hoggaan cusub, waannu idin soo dhawenaynaa. Laakiin, waxaan idiinku nimi in aan idiin furo, wixii talo iyo tusaale aannu idin siin karno idin siino.”
Waxaannu intaas ku daray; “Waxaynu u baahannahay mar walba wacyigeenu inuu sarreeyo, oo wacyigeenu maalinba maalinta ka dembeysa aynu gudubno dhaqanka ay leedaha saxaafaddu ee aynu ku dayanayno. Dal waxaynu nahay ay dimoqraadiyaddiisu bilow ay tahay, markaa waxaynu u baahannahay sannadkasta iyo bil kasta oo inoo bilataaba in aynu dimoqraadiyadeena kobcino, in aynu saxaafadda kobcino.
Markaa waxa innaga horreeyey marka aynu ku dayanayno in aad ilaalisaan anshaxa weriyenimo, waayo anshaxa ayaa wax kasta ka qiimo badan, oo qofka weriyaha ah aan la odhan, ‘Inuu hunguri u qaato kamarad yar ma’aha.’ Taa waxaan leeyahay wacyigeenu kolay SOLJA inay ka shaqeyso kolba ciddii institution-ka maamulaysaa, annaguna waannu idin kala shaqeynaynaa, in la kordhiyo wacyiga iyo tababarrada weriyeyaasha.”
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo khudbad ka jeediyey shirweynaha 6aad ee SOLJA, waxa uu sheegay in saxaafadda Somaliland ay horumar weyn samaysay marka loo eego halkii ay taagnayd ee laga soo aasaasay markii ay Somaliland madaxbannaanida kala soo noqotay Soomaaliya.
“Waxa aad u baahan tihiin in aqoontu la socoto koriinkeena saxaafadda oo ay is barbar socdaan tayada aqoontiina iyo koriinkiinuba. Marka la eego dal ahaan inta aynu innagu jirnay oo dhawr iyo labaatan sanno ah, haddana saxaafadeennu sida ay xorta u tahay waxa ay la tartantaa saxaafadda Maraykanka iyo Ingiriiska, laakiin iyagu waxa ay leeyihiin xuduudo u kala samaysan oo eegaya xuquuqda suxufiyiinta iyo xuquuqda muwaadiniinta, taasi waxa weeyaan in innaguna aynu samaysano sharcigii idinkana idin ilaalinayey, annagana na ilaalinayey,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Waxaannu intaas ku daray; “Saxaafadiinu marmar ayey gaadhaysaa inay samayso magac-dil (defamation) aad ku samaynaysaan qofka, markaa, waxa aan leeyahay, haddii uu baarlamaan cusub yimaad aad soo samaysaan xeerka magac-dilka oo haddii uu qofku yidhaahdo “Faysal waa tuug.” Waa inuu soo caddeeyo in aan tuug ahay iyo halka aan ka qaatay, haddii aannu soo caddayna waa in loo ciqaabaa ee maaha inuu halkaas iska maro oo inta uu qofku iska kaa caayo inuu haddana ku soo hor marmaro, idinkana waa in xuquuqdiina la ilaaliyo oo marka aad runta ka sheegtaan dawladda maaha in la idin xidho, markaa taasi waa mid inoo taal oo danteena wada ah, idinka (saxaafadda) iyo shicibkaba waa u wada dan.”
Guddoomiye Faysal Cali-waraabe, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay dagaal dhinaca warbaahinta ah ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa darteedna loo baahan yahay in saxaafadda Somaliland qaado dagaal ka dhan ah maamulka Muqdisho.
“Haddii aynu nahay reer Somaliland waa la innaga qabsaday dhinaca saxaafadda (media) oo waxa innagu socda dagaal dhinaca saxaafadda ah oo ay Soomaaliya innagaga xoog roonaatay, innagu laakiin innaga ayaa isku liddi ah. Hadda kuwa dulmiga laga galay waa innaga, kuwa wax samaystayna waa innaga, kuwa aan waxba samaysan ee baaba’ayna waa Soomaaliya oo la haysto, haddana iyagii ayaaba innaga fuushan, markaa waxa aan jecelahay bal horta in aynu qoryaheenna xagaas (Soomaaliya) u jeedino ayaannu jecelnahay, Insha Allaah, markaa maaha in aynu innagu isla dagaalanno ee waa in aynu kuwaas (Soomaaliya) la dagaalanno,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Waxa kaloo uu sheegay in saxaafadda Soomaaliya iyo dawladooda Xamar ay aad u buunbuuniyaan haddii dhibaato yar ka dhacdo Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxqabadkooda (Soomaaliya) ugu weyn ee ay buunbuuniyaan waa marka la yidhaahdo dhibaato ayaa ku dhacday Somaliland, imminkana (toddobaadkan) waxa ay ka shaqaynayaan oo aad idinkuna (saxaafadda) gacan ka siiseen waa laba arrimood oo ah saldhiggii Imaaraadka ee Berbera ayaa la xidhay iyo hawadii ayaa Soomaaliya lagu wareejiney.”
Shirweynaha Ururka SOLJA oo ay hawshiisa soo wadeen guddi qabanqaabo oo la magacaabay toddobaadkii hore, waxa markii dambe masuuliyadda la wareegay shan xubnood oo noqday shir-guddoonka shirka, guddoomiyena uu u ahaa suxufi Xasan Maxamed Yuusuf, iyadoo ergada suxufiyiinta ah ee ka kala socday qaybaha warbaahinta Somaliland ay halkaas cod gacan-taag ahaa ku kala saareen 20 suxufi oo u tartamay inay ka mid noqdaan 15-ka xubnood ee Guddida Fulinta SOLJA ah.
Waxaanna shirweynaha lagu doortay 15 suxufi ee codadka ugu badan ka helay xubnaha ergada ee goob-joogga ka ahaa shirweynaha, iyadoo sida sharcigu dhigayo ay 15-ka xubnood ee Guddida Fulinta ahna dhexdooda iska doorteen saddex xubnood oo kala ah; Guddoomiyaha SOLJA oo loo doortay Md. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Guddoomiye-ku-xigeenka Mr. Yaxye Sheekh Ismaaciil iyo Xoghaye Guud oo loo doortay Mr. Sakariye Axmed Muxumed, kuwaasoo xilka Ururka SOLJA hayn doona muddo saddex sanno ah. Sida uu dhigayo Dastuurka Ururku.