Araweelo News Nework

Hargeysa (ANN)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo ilaalinta karaamada iyo sumcadda qaranka Somaliland, isla markaana aan loo baahnayn in la faafiyo wax kasta oo dhaawac ku ah qarannimada dalka.

Md. Cabdiraxmaan Saylici oo ka hadlay furitaankii Shirweynaha Ururka SOLJA ee ka qabsoomay caasimadda Hargeysa , waxa uu tilmaamay in aanay Somaliland qaran jira noqon doonin haddii wax walba la iskaga hadlo, isagoo si gaar ahna u xusay in saxaafadda looga baahan yahay in aanay faafin waxyaabaha dhaawacaya amniga qaranka Somaliland.
“Waxa aan leeyahay qaran baynu nahay, qaranka waxa loo baahan yahay in sumcaddiisa la ilaaliyo. Waxa weeyaan weriyeyaasha ama saxaafaddu, haddii ay Tv-ii tahay iyo haddii ay joornaal tahay ama waxay doonto ha ahaato ama waxan innagu soo kordhay ee website-yada, waxa aynu u baahannahay wax walba inay ka sareysiino qaranka oo aan qaranka sharaftiisa iyo sumcaddiisa ilaalinno, haddii aynu wax walba isaga hadalno uun oo aynaan qiimeyn waxaa meesha ka dambeeya, ummad noqon mayno, dalna noqon mayno,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.
Waxaannu intaas ku daray; “Markaynu isku fiirsanno ee aynu dib isu daawanno, dee waad la socotaan oo dalalkeenaa jaarka ah, saxaafaddu inay xor noqoto waynu wada jecel nahay, xorriyadduse xad bay leedahay, inay markaa qaranka sumcaddiisa ilaalinno, oo wax kasta oo laguula yimaad aanad sii dayn, oo qabyaaladdan qofku la soo joogsanayo dariiqa, waxyaabaha aan loo baahnayn ee dalka amnigiisa faragelinaya, wax badan inaad Censor (faaf-reeb) u sameysaan, oo aynaan dhaqaale-yarida iyo shaqo-yarida dalka taalla, mar walba wixii Ilaahay kuu qoro waad cunaysaa ee shaadhkaagu ha ka weynaado in shillinku ku hoggaamiyo ee se sharafta, waddaniyadda iyo dadnimadu inay idin hoggaamiso ayaannu jecel nahay, oo aad loo illaaliyo sumcadda qaranka.”
Md. Cabdiraxmaan Saylici, ayaa sheegay in saxaafaddu tahay muraayadda ay iska dhex daawadaan dawladda iyo dadweynuhu, sidaa darteedna loo baahan yahay in marka hore muraayadaasi noqoto mid nadiif ah oo si fiican la isugu daawan karo.
“In la dhawrsoonaado ku-xadgudubyada madaxda iyo muwaadiniinta kaleba oo waxa weeye ninka weriyaha ah ama maanta haddii aad saxaafaddii tihiin, waxaad tihiin muraayaddii isku eegaysay dawladda iyo dadweynaha ee wax iftiiminaysay ee isku daawanayey. Muraayaddii haddii aanay iyadiiba nadiif ahayn dee qofkii iskuba arki maayaba, horta waa in aad idinkii nadiif noqotaan oo idinku iska bilawdaan wanaagga. Laakiinse, haddii aanad adigiiba wanaaggii iska bilaabin oo aad dhaqankaagii ilaalin weydo, oo afkaaga ilaalin weydo, waxay noqonaysaa markaa aflagaado iyo qofka oo la iska ribeeyo iyo qofka oo sumcaddiisa meel lagaga dhaco muwaadin kasta, ama xukuumad ha ahaado ama dawladda oo dhan ha ahaado ama shacabka ha ahaado,” ayuu yidhi Md. Saylici.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa weeye sharciga laguma kala sarreynayo, qofku waxa uu xasaanadda leeyahay ama xorriyadda aad haysataa, oo aannu jecel nahay xorriyadda saxaafadda, xorriyaddaada waxaad haystaa inta aanad xadkaaga soo dhaafin, haddiise qofku xadkiisa soo dhaafo, sharciga kama sarreeyo, aniguna sharciga kama sarreeyo oo Madaxweyne ahi, adiga oo weriye ahina sharciga kama sarreysid.”
Waxa kaloo uu sheegay in la wada ilaaliyo dhawrsaanta iyo karaamada dastuurku siiyey dadka muwaadiniinta ah, waxaannu yidhi; “Waa inay noqonnaa ama xad qofka bani’aadamka ahi, inta aanad lagu xisaabin is-xisaabtisaa oo aad dhawrsoonaanta ilaalisaan, oo sharafta iyo karaaamada muwaadiniinta la ogaado ayeynu u baahannahay oo dastuurkeena ayaaba taas siiyey. Dhawrsannaantii dastuurku siiyey oo aad ka qaado oo aad maanta meel kaga dhacdo looma baahna.”