Araweelo News Network

 

US President Donald Trump speaks alongside his daughter, Ivanka Trump (L) and her husband, Senior White House Adviser Jared Kushner (R) during a Cabinet Meeting in the Cabinet Room of the White House in Washington, DC, October 16, 2017. (Photo by AFP)

Washington(ANN)-Madaxweyne Trump ayaa si weyn u difaacay inuu caafimaad ahaan u qalmo inuu maamulo xafiiska uu ka taliyo, wuxuuna gaashaanka u daruuray dhaleecaynta uu xanbaarsan yahay buug dhawaan laga qoray oo isaga ku tilmaamaya in maskax ahaan aanu fadhiyin.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu Mr Trump ku tilmaamay qoraaga buuggaasi Michael Wolff inuu yahay nin musuq  la dagay.

Fariimo xidhiidh  ah oo uu bartiisa Twitterka soo dhigay ayuu Madaxweyne Trump waxa uu ku sheegay in labada shay ee uu hibada u leeyahay ay yihiin degannaanshaha maskaxdiisa iyo inuu yahay nin caqli badan oo cabqari ah.

Hadallada Mr Trump ee buuggaasi ayaa waxa ay qariyeen shir uu ku qabtay Camp David oo looga xaajoonayay siyaasadihiisa sanadka soo socda.

Buugga Fire and Fury ayaa durbadiiba noqday buug si weyn loo iibsaday kaddib markii Jimcihii la soo bandhigay, wuxuuna xanbaarsan yahay dhaleecayn badan oo Madaxweyne Trump la xidhiidha.