Araweelo News Network

Madaxweynaha Somalialnd oo salaad roob doon ah dadweynaha Burco kala qaybgalay

Madaxweynaha Somalialnd oo salaad roob doon ah dadweynaha Burco kala qaybgalay

Burco(ANN)Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku sugan Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, ayaa saaka kala qaybgalay Bulshada gobolka Togdheer Salaada roobdoonta, wuxuuna kula tukaday kumanaan ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco, agroonka Kubbadda Cagta ee Alamzay Stadium.

Madaxweyne Siilaanyo, aya 30/1/ 2016, wuxuu iclaamiyey in guud ahaan dalka laga tukado maanta oo ay taariikhdu tahay 1/2/2016, salaad roobdoon ah, iyadoo Madaxweyne oo ku jira safar uu shalay ugu baxay bariga Somaliland kaga qaybgalay maanta shacbiga Burco Salaada Roobdoonta.

Qaar ka mida Culimada gobolka oo khudbado kala duwan u jeediyey, ka hor intii aan loo kicin Salaada, ayaa ku dardaaray bulshada inay is cafiyaan oo ay Alleh danbi dhaaf waydiistaan.

waxaana markii la tukaday Salaada hadal kooban oo duco ah ka jeediyay Madaxweynaha Qaranka Somaliland Axmed Siilaanyo, isagoo guud ahaan shacbiga Somaliland Alleh uga baryay oo ugu duceeyay inuu raxmadiisa u shubo, kana soo furto Abaaraha iyo biyo yaraanta.

Madaxweyne Siilanyo, wuxuu markaa kadib kormeer ku tegay goobo ay ka socotay Diwaangelinta Codbixinta iyo Muwaadinka, waxaana goobahaasi warbiximo ka siiyey hawlwadeenadii gacanta ku hayey shaqada iyo Masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Aadan Qabo, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Maxamed Warancade, iyadoo Madaxweynuhuna uu shacbiga ku dheerigeliyey inay isdiwaangeliyaan oo ay ka faa’idaystaan wakhtiga ay socoto diwaangelintu, si ay hadhaw u muujiyaan codkooda ama kaalintooda muwaadinimo oo ah mid waajib ku ah qofkasta oo u dhashay Somaliland.
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu la kulmay Isuduwayaasha Wasaaraddaha u jooga gobolka Togdheer, kuwaas oo uu ka dhegeystay warbixino la xidhiidha hawshooda iyo wasaaraddaha ay u joogaan halkaa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409