Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna tilmaamay mawqifka qadiyadda aqoonsiga Somaliland.

Alt: Araweelo News Network

Madaxweyne Biixi, ayaa sidoo kale ka hadlay waajibka ka saaran aqoonsiga Somaliland Ururka Midawga Afrika, isagoo xusuusiyay warbixinta taariikhiga ahee ay Somaliland ka qoreen 2005, sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay in ay tixgeliyaan wixii ay ka qoreen Somaliland, isla markaana meel mariyaan qadiyadda ay Somaliland ku doonayso aqoonsiga.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi wuxuu ka hadlay kaalinta ay Somaliland kaga jirto amniga gobolka iyo waxa ay kaga gudaban tahay dalalka jaarka, wuxuuna arrimahaa iyo kuwo kale oo khuseeya shacbiga Somaliland kaga hadlay khudbad uu ka jeediyay xuska sannad guuradii 28aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo lagu qabtay taliska guud ee ciidanka qaranka ee Hargeysa.

Khudbada Madaxweyne Biixi halkan ka Daawo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com