Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa abaal marin qaran oo isugu jirta dalacsiin iyo lacag ku maamuusay. sarkaal iyo sarkaal ku xigeen ka tirsan ciidanka booliska Somaliland, munaasibad ka dhacday madaxtooyada, ka dib markii ay labadaa sarkaal sabata-bixiyeen dad maati u badan oo daad ku qaaday magaalada Dila dhawaan.width= Sarkaalkan iyo sarkaal ku xigeenka oo magacyadoodu kala yihiin, Maxamed Wacays Allaale iyo Maxamed Cali Barre, ayaa loo dalacsiiyey sarkaal xigeenka oo ahaa laba xadhigle oo loo dalacsiiyey xiddigle, oo laba derojo kor loo qaaday, iyo sarkaal hore u ahaa xiddigle oo laga dhigay hadda laba xiddigle, oo ay weheliso laba jeeg oo gacanta laga geliyey. Taas oo ay ku mutaysteen sidii geesinimada lahayd ee ay u badbaadiyeen dadkaato u badan oo ay ka reebeen daadad sitay iyagoo sidaa naftooda ugu hibeeyey dadkooda inay badbaadiyaan, iyagana, geesi Ilaah ma xilee, Ilaahay daadkii laftooda qaaday ka badbaadiyey.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ayaa hadal kooban oo bogaadin iyo mahadnaq ah u jeediyey labadaas sarkaal, waxaanu yidhi waxan aad iyo aad idinka mahadnaqayaa shaqada naf hurida, islaam-nimada iyo waddaniyadaleh ee aad ku badbaadiseen dadkiina, Ilaahayna ha idinka jasaai siiyo, aadna waad u mahadsantihiin”.

madaxweynaha oo horjooga ayaa labada sarkaal lagu tolay derejada cusub, waxaana garbahooda laga siibay derejadii hore, waxaana gacmaha loo saaray abaal gudka lacagta ee la siiyey, ka dibna waxay salaam ciidan salaameen madaxweynaha.

Wasiirka Madaxtooyada mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna halkaa ka hadlay ayaa ku sifeeyey labada sarkaal inay yihiin halyeeyo qaran oo iyagoon cidi amrin damiirkooda isku diray, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi madaxweynuhu hortiina waxa uu ku gudoonsiiyey labadaa sarkaal shaqada geesinimada ahayd ee ay ka geysteen gurmadii daadkii ku soo jabay Dila, taas oo ahayd masuuliyad iyo isxilqaan ay ku tallaabsadeen iyadoon cidina amrin, arrintaa darteed madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland waxa uu go’aansaday inuu abaal gud iyo derejo isugu daro.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa kale oo uu ka hadlay shaqada ay ciidanka booliska Somaliland u hayaan dalkooda, taas oo uu bogaadiyey, kuna amaanay waajib gudashadooda, isagoo taasi ka hadlaayana waxa uu yidhi dunida laguma qiimeeyo dhacdooyinka hada dhaca, waddamada ugu waa weyn ee ugu amaanka adag leh, ayaa habeen walba intaas o goobood dil ka dhacaa, waayo dabeecada iyo sunaha binu-aadamkay ka mid tahay in lays dilo iyo in lays dhaco”.

Dawladda laguna qiimeeyo falalka dhacaya, waxase lagu qiimeeyaa siday wax uga qabatay falalka dhacaya, guushooda iyo guul daradooda waxa lagu qiimeeyaa siday falalka dhacaya uga jawaabaan.

Wasiirku wuxuu tixraacay shaqooyinkii labadii bilood ee u danbeeyey ay qabteen ciidanka boolisku, waxaanu sheegay inay faldanbiyeedyo culus oo dhacay mudadaa ay si degdeg ah uga jawaabeen ciidanka boolisku, kuna guulaysteen inay gacanta ku soo dhigeen kuwii faldanbiyeedyadaa ku kacay, isagoo tusaale u soo qaatay in todobaadkii u danbeeyey lix faldanbiyeed oo dil ahi dhaceen, shan ka mida gacan ku dhiiglayaashii dilalka fuliyey gacanta lagu soo dhigay, caddaaladana dhakhso loo horgeynayo, iyadoo cidii geysatay faldenbiyeedka lixaadna geysatay ay ku dabajiro jiraan ciidanka amaanku sidii ay u soo qaban lahaayeen. ”

Taliyaha booliska ayaa isaguna halkaasi ka jeediyey warbixin ku saabsan waxqabadka ciidanka booliska, isagoo xusay faldanbiyeedyo dhagar u badnaa oo ka dhacay dalka bilihii u danbeeyey, kuwaas oo uu sheegay dhamaanba inay dadkii geystay ay gacan ku soo dhigeen, kana mid ahaayeen budhcadii weerartay sanduuqa diwaangelinta ee jiida lughaya, iyo dilkii taliyihii qaybta booliska berbera iyo kuwo kale oo ka danbeeyey, marka laga reebo kii u danbeeyey.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.