Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Thu, Oct 26th, 2017

Madaxweyne Siilaanyo Oo Badhasaabkii Gobolka Maroodi-Jeex Xilka Ka Qaaday Kuna Bedelay Mujaahid Axmed Mire Walaalkii

Araweelo News Network

Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Hargeysa(ANN)-Madaxeeynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa Xilkii ka qaaday Badhasaakii hore ee Gobolka Maroodi-jeex Mustafe Cabdi Ciise Mustafe (Shiine) oo dhowaan laga soo bedelay gobolka Awdal.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed maanta gelinkii danbe kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda, Waxa xilkaa Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex loo magcaabay Wasiir dawlihii hore ee Maaliyadda Boos Mire Maxamed Nuux oo ay walaalo yihiin Muj. Axmed Mire.

qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda, ayaa u qornaa sidan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-5169/102017 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Xilka Qaadis

Ku: Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine),

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Mudane,

Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Boos Mire Maxamed, oo aan xilka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.

Sidoo kale, waxaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a website based in Somaliland. Arraale is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 <https://web.whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp