Araweelo News Network

muuqaalka Madaxweyne Siilaanyo oo lagu soo dhoweeyay Caynaba

muuqaalka Madaxweyne Siilaanyo oo lagu soo dhoweeyay Caynaba

Laascaanood (ANN) Weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo wefdigiisa ku sugnaa gobolada bariga Somaliland, ayaa xalay u hoyday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaddib markii uu shalay ka qaybgalay shir lagaga hadlayay horumarinta gobolka oo ka dhacay degmada Adhi-cadeeye, halkaas oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey madaxweynaha iyo Wefdigiisa.

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu, ayaa saaka kasoo boqoolay Magaalada Laascaanood, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo oo marar hore safaro kala duwan ku tegey Gobolka Sool noqday Madaxweynihii u horeeyay ee u hoyda Taariikhada Magaalada Laascaanood, wixii ka danbeeyay Dilka Cabdirashiid Sharmaarke Oct, 1969, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadii Dumuqraadiga ahayd ee Somalia oo Somaliland qayb ka ahayd.
Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo, ayaa noqday Madaxweynihii u horeeyay ee mudadii 25 sanadood ee ay Somaliland jirtay safaro kala duwan ku taga magaalada Laascaanood, marka laga reebo Madaxweynihii uu xunka kala wareegay ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo 2002, safar uu ku tegey halkaa la kulmay weerrar dagaal malayshiyo dhinaca Maamulka Puntland ka timi kusoo qaadeen, taas oo sababtay inay wefdigii Madaxweyne Daahir Rayaale si deg deg ah uga soo baxaan Laascaanood.
Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo, waxa safarkiisa xiligan lagu qaabilay shucuur iyo dareen aanu marar badan oo uu gobolka Sool booqday la kulmin, iyadoo soo dhowantii ugu balaadhnayd ee madaxweyne loo sameeyo deegaanka Siyaad Bare oo ahaa Madaxweynihii Somalia, kaddib.
Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa, ayaa si nabad ah uga soo anbaxabay saaka magaalada xarunta ah u ah gobolka Sool ee Laascanood, isagoo Madaxweyne Siilaanyo usoo jeeda dhinaca Magaalada Berbera, halkaas oo la filayo inuu goob joog ka noqdo xil wareejinta Maareeyaha Dekedda ee Cusub iyo ku xigeenkiisa iyo Mareerihii hore iyo ku xigeenkiisii.