Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Sun, Sep 27th, 2015

Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Kedis Ah Kaga Baxay Dalka Xili Loolanka Siyasadeed Ee Kulmiye Soo Cusboonaaday

silanyosafar1Hàrgeysa(ANN) Madaxweyne Siilaanyo, ayaa so lama filaan ah saaka safar ugu baxay dàlka dibbadiisa, kaas oo ah safar aan hore loo shaacin oo ku beeegmay xili xiisada siyaasadeed ee loolanka xisbiga ee Kulmiye làga dareemayo Hargeysà, isla martkaana loo diyaargaroobayo shirkii golaha dhexe ee lagu dooranayay musharax uga qaybgala tartanka doorashada soo socota.
Madaxweye Siilaanyo o ay weheliyaan Marwadiisa iyo Wasiirka Madaxtooyada, ayaa subaxnimadii hore safar shaqo ugu baxay Dalka Ireland isagoo sii maridoona Dubai.

Madaxweynaha waxay ku kulmeen qolka Martida ee Garoonka Diyaraha ee Cigaal International Airport Madaweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa Huda Barkhad Aadan oo ay weftiga madaxweynaha Qaranka isku Diyaarad ka raaceen Hargeysa, iskuna gacanqaadeen halkaasi.

Madaxweynaha oo saxaafada warbixin ka siiyey safarkiisa shaqo ayaa yidhi sidan:-

Waxaan jecelahay in aan faahfaahin kooban idinka siiyo socdaalkayga aan ugu ambabaxaayo wadanka IRELAND oo aan ku tegayo booqosho rasmiya.

Waxaanan kulamo aniga iyo weftiga ila socdaa aan la yeelan doonaa madaxda IRELAND iyo sidii wadankaasi,

Somaliland iyo sidii loo sii xojinta lahaa xidhiidhka labada wadan, Isla markaana waxaanu u bandhigi doonaa aragtida qaranka Somaliland ee ku wajahan xaqa shacabka dawladnimadooda oo muddo dheer dhinac-dhaqaale, degenaansho ka turjumaysa dadka reer Somaliland ku guulaysteen, una baahan yihiin in gacanta lagu hayo.

Socdaalkani wuxuu ka mid yahay socdaaladii aan horeba ugu tegi jiray wadamada caalamka si aan ugu bandhigo, uguna qanciyo beesha caalamka waxa ay mudan tahay Somaliland in laga yeelo.

Waxanan sii mari-doonaa Imaaraadka Carabta ka

Shacbiga Somaliland waxaan ku waaninayaa in sidii ay awalba heeganka ugu ahaayeen nabadgelyada qaranka ay sii xoojiyaan.

Madaxweynaha waxa safarkaa ku weheliyay

1. Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde 2. Wasiirka

Xasan 3. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md. Cali Axmed Cali 4. Weriye Muniir Axmed Cigaal oo ka socday Tv Qaranka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252  63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a website based in Somaliland. Arraale is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 <https://web.whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp