Share this:

" />
Telesom Dahabshiil

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xil Ka Qaadis Iyo Magcaabis Sameeyay

silanyoHargeysa(ANN)Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo saaray caawa digreeto xil ka qaadis iyo magcaabis masuuliyiin ka tirsan xukuumadda. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyada. Qoraalka, ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3252/042015 uu ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka, isaga oo maareeyihii horena u bedelay, una magacaabay Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Soo jeedimihii iyo talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdi Cali Mahdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland. Bedelka Maareeyihii hore iyo magacaabistiisa. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta; Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagadan; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Khadar Xasan Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxy qasriga Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp