abdo rabo mansoor1Yemen-Adan(ANN)Madaxweynii Dalka Yemen ee Dagaaladu hadheeyeen Cabdirabbo Mansuur Al-Haddi ayaa laga dejiyay Magaalada dhinaca Koonfurta ah ee Caddan. Kadib markii uu muddo dhawr bilood ah masaafur ku joogay dalka Sucuudiga.

Madaxweyne Cabdirabbo oo Lix bilood ka hor laga caydhiyay Dalka kadib markii ay Malayshiyada Xuutiyiinta oo ay is xulufaysanayaan Ciidamo taabacsan Madaxweynii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax qabsadeen inta baddan magaalooyinka waaweyn ee dalka, isla markaana muddo Bil ah Xabsi guri ku hayeen Xuutiyiinta iyo xulufada Cali Cabdalle Madaxweyne Cabdirabbo Mansuur Al-Haddi, taas oo sababtay inuu dhinaca magaalada Caddan ee Koonfurta usoo cararo, balse markii ay gacanta ku dhigeen magaalada Caddan Xuutiyiinta iyo Xulufadoodu u cararay dhinaca Dalka Sucuudiga oo uu ku sugnaa dhawrkii bilood ee u danbeeyay , iyadoo duqaymo dhinaca Cirka ah iyo weeraro dalalka Khaliijku ku qaadeen dalka Yemen sababeen in Xuutiyiinta iyo xulufada Ciidanka Madaxweynii hore laga saaro magaalada Caddan ee dhinaca Koonfurta oo ah magaalo istiraatiiji ah.

Madaxweyne Mansuur Al-haddi, waxa kusoo dhoweeyay Magaalada Caddan Raysal wasaarihiisa Khalid Bahah iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada, waxaana lagu wadaa inuu maaalmaha soo socda Ciida kadib u duulo dhinaca magaalada New York si uu ugaga qeybgalo shirka Qaramada Midoobay ee toddobaadka soo socda la filayo inuu ka furmo xarunta Qaramada Midoobay, kaas oo lagaga hadlayo xaalada dalka Yemen.

Arrintan ayaa kusoo beegantay, iyadoo 5 Sep 2015, wixii ka danbeeyay sii kordhiyeen duqaymaha Dalalka Khaliijka ee hoggaaminaya dagaalka lagu hayo Xuutiyiinta dalka Yemen iyo xulufada Madaxweynihii hore Cali Cabdala Saalax. Kadib dhirbaaxo ay kala kulmeen weerar gantaal ah oo lala beegsaday xero ciidamo u dhashay dalalka Sacuudiga, Imaraadka , Qadar iyo Baxrayn oo ku sugnaa guddaha dalka Yemen.
Dawlada Sucuudiga, ayaa sheegay xiligaa in ilaa 10 ka mid ah askarteeda lagu dilay weerar 2 Sep 2015, ka dhacay dalka Yemen. Sidoo kale 45 ka mid ah ciidamada dalka Imaraadka EAU, ayaa ku dhintay weerarkaa. Sida lagu baahiyay wakaaladaha wararka, iyadoo 5 ka mid ah Askarta Baxrayn ku dhinteen weerarkaa oo noqonaya khasaarihii ugu xumaa ee soo gaadha ciidamadooda dagaalka kula jira Xuutiyiinta iyo askarta Madaxweynihii hore ee Yemen.
Dalalka Khaliijka oo u arkay in aan weerarada dhinaca Cirka ee Afartii bilood ee u danbeeyay ay ku hayeen Xuutiyiinta Yemen Xulufada Ciidamada Cali Cabdalla Saalax aanay waxaba ka bedelin awooda Milateri ee ay leeyihiin, ayaa kaga jawaabay weerarkaa duqaymo gil-gilay meelaha muhiimka ah ee Xuutiyiinta iyo Xulufadda Ciidanka Madaxweynii hore ee dalka Yemen, waxayna gudaha u geliyeen Ciidamo xooggan oo ka kala socda dalalkaa, kuwaas oo deegaamada muhiimka ah qaarkood gudaha u galay.
Si akstaba ha ahaatee Madaxweyne Cabdirabbo Mansuur, ayaa la filayaa inuu maamulka dawladiisa ay xarun u noqoto magaalada Caddan ee Istiraatiijiga ah, balse waxa jirta cabsi laga qabo inay kooxaha Anasaarul Shareeca wal Qaanuun oo ah garabka Al-Qaida ee gasiirada Carabta oo awood baddan ku leh dhinaca Koonfurta ay saamayn ku yeeshaan xasiloonidaro laga cabsi qabo inay ka dhalato dhinaca Koonfurta oo ay awood ballaadhan ku leeyihiin Al-Qaida, isla markaana ah bogcada ay Ururka Al-Qaida dhigtaan ugaxanta, kuwaas oo saamayn ku leh dagaalada ka socda Dalka Yemen iyo siyaasadaha ku loolamaya ee dhinacyada iska soo horjeeda, iyadoo aanay muuqan waxa natiijo ah oo laga gaadhay dagaalka Yemen, isla markaana aanay muuqan rajo laga qabo in xaalada dalka Yemen oo dagaalka iyo duqaymaha socdaa sababeen dhimashada kumanaan qof iyo kumanaan qoxooti ugu baxay dalalka Bariga Afrika ay wax iska bedelaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews