Araweelo News Network

sadiqkhanLondon(ANN) Magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska, ayaa markii ugu horreysay taariikhda loo doortay maayar muslim ah oo ka soo jeeda qaaradda Aasiya maalintii Jimcaha.
Mr. Sadiq Khan oo ka tirsan xubnaha Xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska, dhalasho ahaanna ka soo jeeda dalka Pakistan, ayaa loo doortay Duqa caasimadda Britain ee London, isagoo jagadaas hayn doona afarta sannadood ee soo socda.
Mr. Khan kama uu mid ahayn murrashaxiinta loo saadaalinayey inay ku guulaysan doonaan maayarnimada magaalada London, waxaannu noqonayaa masuulkii ugu horreeyey muslim ah ee xilkaas hanta.
Duqa cusub ee London oo da’diisu tahay 45 jir waxa uu ka dhashay qoys reer Pakistan ah ka kooban siddeed carruur ah, hooyo iyo aabbe waqti hore u haajiray waddanka Ingiriiska. Aabbihii Khan waxa uu ahaa darawal bas, hooyadiina waxay ka shaqeyn jirtay dawaarle dharka lagu tolo oo ku yaal caasimadda Britain.
Mr. Sadiq Khan waxa uu dedaal badan u galay sidii uu nolosha heer uga gaadhi lahaa. Waa garyaqaan ka baxay kulliyadda sharciga ee Jaamacadda North London, wuxuuna leeyahay xaas iyo laba gabdhood.
Duqa magaalada London ayaa leh awoodo siyaasadeed oo aad u ballaadhan, waxana jira dad shaki ka qaba in Mr Sadiq uu hawshaas ku fashilmo, laakiin waxa uu haystaa kalsoonida shacabka ku dhaqan caasimadda dalka Ingiriiska oo ka dhex doortay murrashaxiin kala duwan oo kula loollamayey xilkaas.