Araweelo News Network

North Korean leader Kim Jong-un provides guidance on a nuclear weapons program in this undated photo released by North Korea’s Korean Central News Agency (KCNA) in Pyongyang on September 3, 2017. (Via Reuters)

Washington (ANN)- Dawladaha Koonfurta Kuuriya iyo Maraykanka, ayaa wadahadal ay yeesheen isku afgartay inay si wada-jir ah tallaabo millatari uga qaadaan dalka Woqooyiga Kuuriya oo tijaabiyey nugliyeer xoog badan Axaddii , kaasoo ay si weyn uga naxeen dalalka jaarka la ah iyo kuwa Adduunka ee caddaadiska ku haya maamulka Wqooyiga Kuuriya.

Waddanka Woqooyiga Kuuriya, ayaa tijaabiyey bamboo nugliyeer ah oo ka samaysan oo toban jeer ka xoog weyn tijaabooyinkii nugliyeerka ee uu hore dalalkaasi u sameeyey, taasoo markii la qarxiyey la oggaaday inay la mid tahay dhul-gariir cabbirkiisu yahay 6.3 oo ah noocyada ugu waaweyn dhul-gariirka, halka sidoo kale la sheegay in bamka nugliyeerka ah ee Woqooyiga Kuuriya tijaabiyey ay mar qudha dhulka la simi karto magaalooyinka waaweyn ee caalamka.
Hasa yeeshee, sida lagu bogga internet-ka ee wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, dawladda Koonfurta Kuuriya, ayaa caddaysay in wadahadal dhinaca telefoonka ah oo dhexmaray madaxda sare ee millatariga Maraykanka iyo Koonfurta Kuuriya lagu go’aansaday in la qaado tallaabo millatari oo ka dhan ah Woqooyiga Kuuriya.
Guddoomiyaha Guddida sare ee hawlgelinta millatariga Maraykanka General Joseph Dunford oo shir dhinaca telefoonka ah la qaatay dhiggiisa dalka Koonfurta Kuuriya General Jeong Kyeong-doo, ayaa lagu fallanqeeyey waxa laga yeelayo sidii loo xakamayn lahaa awoodaha millatari ee Woqooyiga Kuuriya, kuwaasoo guushii ugu weynayd ee dhinaca nugliyeerka ah gaadhay, kadib markii ay tijaabiyeen bamboo nugliyeer ah.

“Labada dhinac waxa ay ku wada heshiiyeen inay ka wada xaajoodaan tallaabooyinkasta oo millatari oo laga qaadayo dhinaca Woqooyiga Kuuriya ah, iyadoo arrintaas ficil laga dhigo sida ugu degdega badan.” Sidaa waxa lagu yidhi war ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Koonfurta Kuuriya.

Dhinaca kale, warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Taliyaha ciidanka Millatariga Maraykanka General Vincent K. Brooks, ayaa lagu sheegay in Maraykanka iyo Koonfurta Kuuriya ku heshiiyeen tallaabo millatari oo degdeg looga qaado Woqooyiga Kuuriya, waxaanna warsaxaafadeedkaas lagu yidhi; “Wax yar kadib markii Woqooyiga Kuuriya tijaabiyey nugliyeerka, waxa aannu isla qaadanay in si degdeg ah loo qaado ficil millatari oo ka dhan ah maamulka Woqooyiga Kuuriya, taasina waxa ay noqon doontaa mid timaad sida ugu suurtogalsan ee ugu dhakhsaha badan.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska Mr. Boris Johnson, ayaa isna cambaareeyey tijaabada nugliyeerka ee Woqooyiga Kuuriya, waxaannu yidhi; “Waxa miiska saaran wax kasta oo laga yeeli karo Woqooyiga Kuuriya…Laakiin masaafada u dhexaysay Woqooyiga Kuuriya iyo Koonfurta Kuuriya waa mid aad u yar, markaa waxa ay si dhib yar u uumi bixin karaan qaybo badan oo Koonfurta Kuuriya ah oo xaataa waxaaba halis ku noqon kara hubka kale ee uu haysto Woqooyiga Kuuriya.”

Geesta kale, Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump oo saxaafaddu weydiisay heshiiska ay isla qaateen Koonfurta Kuuriya ee la xidhiidha in tallaabo millatari laga qaado Woqooyiga Kuuriya, ayaa arrintaas afka ka xidhay inuu si faahfaahsan uga hadlo, balse waxa uu si kooban u yidhi; “Waynu eegi doonaa.”

Wax yar kadib markii su’aashaas la weydiiyey, waxa Madaxweynaha Maraykanku ku sheegay farriin uu ku baahiyey Twitter-kiisa inuu kulan la leeyahay hoggaanka sare ee millatariga dalkiisa, kana wada xaajoonayaan xaaladaha nugliyeerka ee Woqooyiga Kuuriya, isagoo aan soo hadal qaadin in tallaabo millatari miiska saaran tahay.

Waxa kaloo Madaxweynaha Maraykanku ku hanjabay inuu xidhiidhka ganacsiga u jari doono dalkasta oo cillaaqaad la samaysta waddanka Woqooyiga Kuuriya, waxaannu yidhi; “Dawladda Maraykanku waxa ay ka fiirsanaysaa tallaabooyin kale oo dheeraad ah oo ay qaado, iyadoo la joojin doono dhammaanba wixii ganacsi ah ee aannu la leenahay dalkasta oo ganacsi la yeeshay Woqooyiga Kuuriya.”