Araweelo News Network

Kulan marti-qaad ah oo Ra’iisal-wasaarihii hore ee Turkigu u sameeyey Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland iyo waxyaabaha ay labada dhinac ka wadahadleen

 

Istanbul (ANN)- Ra’iisal-wasaarihii hore ee dalka Turkiga Mr. Ahmet Davutoglu oo xilkaas hayey intii u dhexaysay 28 August 2014 ilaa 24 May 2016, ayaa kulan marti-qaad ah la qaatay Wasiirka Hawlaha Guud ee waddanka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), iyadoo kulankuna ka dhacay guriga Ra’iisal-wasaarihii hore ku leeyahay magaalada Ankara ee Turkiga.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland, kaasoo u qornaa sidan:- “Ra’iisal-wasaarihii hore ee dalka Turkiga Mr. Ahmet Davutoglu oo hadda ka tirsan Baarlamanka dalkiisa Turkiga, sidoo kalena ka mid madaxda sare ee Xisbul Xaakimka waddanka Turkiga ka taliya,  ayaa kulanka uu Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) la yeeshay ay arrimo dhawr ah kaga wadahadleen, kuwaas oo ay ka mid yihiin kobcinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Turkigu wadaagaan ee soo jireenka ah iyo waliba Mr. Ahmet Davutoglu oo dhinaciisa u ballanqaaday inay ka dawlad Turki ahaan sii kordhin doonaan taageerada dhinaca horumarinta iyo caawimooyinka uu dalkiisu siiyo Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dhinaca horumarinta waddooyinka.

Waxaannu Mr. Ahmet Davutoglu uu ku ammaanay bulshadda reer Somaliland nabad ay ku guuleysteen inay sameystaan 26 sanno ee Somaliland xoriyaddeeda dib uga la soo noqotay wixii la isku odhan jiray Soomaaliya iyo xunkunka kala dambeynta ku dhisan, dimuquriyaadiyadda ku dhisan ee  ka tisqaaday ee ay ku naaloonayaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adaha Xukuumiga ah ee  u dhisan. Waxaannu sheegay in Somaliland noqotay dawladda isku filnaasho iyo horumar ku guulaystay, iyadoon Adduunka taageero iyo ictiraaf midna ka helin.

Muuqaalka KukankaWasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta Md. Cali Xasan Maxamed iyoRa’iisal-wasaarihii hore ee dalka Turkiga Mr. Ahmet Davutoglu

 

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta Md. Cali Xasan Maxamed, ayaa dhiniciisa uga mahadceliyey kulanka uu ku sharfay Ra’iisal-wasaarihii hore ee dalka Turkigu, waxaannu ku tilmaamay inay tusinayso xidhiidhka wanaagsan iyo walaatinimada ka dhaxeeya labada waddan ee Somaliland iyo  Turkiga, waxaannu Wasiir Cali Xasan Maxamed uga mahadceliyey dadweynaha iyo dawladda Turkiga mashaariicda dhinaca bani’aadamtinimo ee ay ka fuliyeen Somaliland iyo taageeridii ay ka geysteen abaarihii ka dhacay wakhtiyadii u dambeeyey Somaliland.

Wasiirka Hawlaha Guud, ayaa ugu dambeyn ka codsaday in dawladda Turkigu ay Somaliland ka taageeraan dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ay ugu horeeyaan dhinaca dhismayaasha waddooyinku,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Hawlaha Guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga Mr. Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa ka hadlay iskaashiga dhinacyada kala duwan ah ee dawladiisu la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaana waxa uu Wasiirka Khaarajiga Turkigu ka sheegay hadal uu ka jeediyey xaflad ka qabsoontay magaalada Antalya ee dalka Turkiga oo uu ku marti-qaaday Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan) oo safar ku tegay waddankaas, iyadoo labada Wasiir ay ka wadahadleen xidhiidhka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, Turkiguna door muhiim ah uga qaadan lahaa dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland ee dhinaca waddooyinka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mr. Mevlüt Çavuşoğlu oo xafladaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin adkaynta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalkiisa, isla markaana waxa uu tilmaamay in iskaashiga dhanka kaabayaasha dhaqaalaha oo Somaliland laga taageero tahay mudnaanta koowaad, markastana ay diyaar u yihiin xoojintiisa, waxaannu Somaliland iyo shacabkeeda ku ammaanay nabadda gaamurtay ee ku timmi kalsoonida shacabka iyo dawladda ka dhexaysa.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Md. Cali Xasan Maxamed, ayaa dhankiisa sheegay in Somaliland iyo Turkey-g uu ka dhaxeeyo xidhiidh soo taxnaa ilaa 500 sanno, isagoo xusay in shacbiga labada dal ay suurtogeliyeen isku dhawaanshaha iyo isdhexgalka Somaliland iyo Turkiga.

Waxa kaloo uu Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland tilmaamay in iskaashi la xidhiidha dhinacyada ganacsiga iyo mashaariicdu u dhexeeyo Somaliland iyo Turkiga, sidoo kalena uu Turkigu mashaariic horumarineed oo kala duwan ka hirgeliyey Somaliland, waxaannu caddeeyey inay dawlad ahaan diyaar u yihiin in la sii adkeeyo xidhiidhka ay la leeyahay waddanka Turkiga.