Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Weftigii Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ee maalmahan ku sugnaa Imaaraadka Carabta ‘ ayaa dalka ku soo laabtay saaka subaxnimadii hore.

Madaxweynaha Iyo Wefdigiisa oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey Airportka  Somaliland ee Magaalada Hargeysa, iyadoo Masuuliyiin Ka tirsan xukuumadda Iyo dadweynaha  qaarkood soo dhoweeyeen Madaxweynaha.

 

Madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf kaga qaatay qasriga madaxtooyada cutubyo ka mida ciidamada qaranka Somaliland, ka dibna waxa saxaafadda la hadlay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Xuseen Aadan Cige (Dayr), ain yaa sheegay 12 August 2017, Madaxweyne Siilaanyo lagu sameyey baadhitaan caafimaad oo guud, isla markaana qabsin laga qalay, iyadoo loo adeegsaday habka casriga ah ee laysarka ah.

Hasa yeeshee, Madaxweynaha Somaliland oo u muuqday inuu caafimaadkiisu fiican yahay, ayaa dib ugu soo laabtay dalka, waxaannu salaan sharaf kaga qaaday xarunta Madaxtooyada cutubyo ka mid ah ciidammada kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

“Madaxweynuhu waxa uu ka soo noqday safar uu ku joogay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaannu Madaxweynuhu dalka ka baxay 18 August 2017, waxaannu tegay magaalada Dubai, halkaas oo uu ku galay qalliin yar oo fudud, qallinkaas yarna waa lagu guulaystay, Madaxweynuhuna wuu caafimaad qabaa oo isagoo caafimaad qaba oo lugihiisa ku tallaabsanaya ayuu ka soo degay madaarka isagoo ay wehelinayeen marwada qaranka iyo xoghayihiisa gaarka ah.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Madaxtooyada oo saxaafadda la hadlay shalay markii Madaxweynuhu dalka ku soo laabtay.

Waxaannu intaas ku daray; “Madaxweynuhu hawlihiisii qaranka ee dastuuriga ahaa ayuu halkii ka sii wadayaa, Xukuumadda lafteedana waqtigeedii waa gabagabo, markaa Madaxweynuhu hawshii uu qaranka u hayey iyo xilkii uu ummadda ugu dhaartay ayuu intaas uga hadhay waqtiga uu halkiisii ka sii wadi doonaa.”