Araweelo News Network

 

Ahmed Dirir

Hargeysa (ANN)- Hanti-dhawraha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Dirir, ayaa sheegay in musuqmaasuqu saamayn ku yeesho horumarka bulshada, maadaama oo sifo aan sax ahayn loogu tagrifalo hantida loo adeegsan lahaa waxqabadka iyo horumarka danaha guud ee ummadda.
Md. Axmed Yuusuf Dirir oo xilka loo magacaabay si rasmi ah ula wareegay , waxa uu tilmaamay in nidaamka hanti-dhawrku muhiim u yahay qaranka Somaliland, sidaa darteedna uu ka shaqayn doono sidii loo carsiyeyn lahaa nidaamka shaqo ee xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka.
“Waxa aan doonayaa in aan idiin muujiyo fahamka aan fahamsannahay muhiimadda uu leeyahay xilkani, culayska uu leeyahay iyo qaranka muhiimadda uu ugu fadhiyo guud ahaan, oo haddii uu qaloocdo waddanka oo dhammi qaloocanayo, oo haddii uu tooso waddanka oo dhammi toosayo,” ayuu yidhi Hanti-dhawraha cusub ee xilka la wareegay.
Waxaannu intaas ku daray; “Hanti-dhawr marka la yidhaahdo, fikirka guud (concept-ka) uu dadku ka haysto waa sidii la sheegaayey inay yihiin niman silsilado sita oo dadka xidhxidhaya oo meelahaas albaabada wax ku dhejinaya, laakiin, waxaasi wuu ka ballaadhan yahay Hanti-dhawrka shaqadiisu.”
Waxa uu sheegay in Hanti-dhawrku u kala baxo qaybo badan oo dhammaantood wada muhiim ah, kuwaasoo uu xusay inay ka mid yihiin inuu ilaalisho sharciga iyo sida ay hay’adda dawliga ah u raacdo nidaamka sharciga ah, ilaalinta nidaamka maamulka xafiisyada iyo la-dagaalanka nooc kasta oo musuqmaasuq ah.
“Waxaynu doonaynaa in aynu ka shaqeysiino wixii Hanti-dhawrka guud (Audit-ku) lahaan jiray oo dhan. Hanti-dhawr marka la yidhaahdo, adduunkan in badan ayuu ka soo jiray…Waxaan uga jeedaa in aynu fahamno Hanti-dhawrku muhiimadda uu u leeyahay adduunka oo dhan, inuu yahay sida la sheegay daaqadda laga eego waddankaasi sida uu ula dagaalamayo musuqmaasuqa, sida uu ula dagaalamayo ku-tagrifalka hantida ummadda, sida uu ula dagaalamayo in ummaddani hoos u dhaadhacdo oo aanay kor u soo kicin.
Markasta oo garaafka (graph) musuqmaasuqa kor u kacaba, waxa hoos u dhaca ummadda horumarkeeda, waayo ummadda waxeedii ayaa meel kale maraya oo aan marayn wixii loo baahnaa iyo halkii looga baahnaa. Qofka Hanti-dhawrka ah ama shaqaale ha noqdo ama Hanti-dhawre guud ha noqdo, waxa loo baahan yahay, haddii saddex qodob laga helo qofkaasi wuu shaqayn karaa;
1. In laga helo aqoonteedii: qofku haddii uu aqoontii Hanti-dhawrka yeesho, shaqaddaas wuu gudanayaa.
2. In qofkaasi karti iyo awood yeesho: aqoon keliya oo bilaa karti ah kuma shaqeyn karayo, aqoon bilaa habrasho ah ayuu ku shaqeyn karayaa.
3. In qofkaasi iimaan yeesho amma ethics (anshax) wax ka joojiya xummaanta isaga, haddii uu isagu ka joogsan waayo oo uu la walaaqdo oo ay wax xidhi waayaan, oo in Illaahay (SWC) eegayo uu garan waayo.
Saddexdaas qofku marka uu isla helo, waxa suurtoobaysa ama dhaqaaqaysa in qofkaasi hantida ummaddana illaaliyo, naftiisa iyo aakhiradiisana ilaashado, horumarka waddanka uu ilaaliyo markaasi,” ayuu yidhi Hantidhawraha Guud ee Somaliland.
Waxa kaloo uu ballanqaaday inuu ka shaqayn doono sidii uu dib-u-habayn casri ah ugu samayn lahaa xafiiska iyo nidaamka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, isla markaana ay hiigsan doonaan sidii ay ula mid noqon lahaayeen hannaanka heerka caalami ah ee ay u shaqeeyaan Hay’adaha Hanti-dhawrka Adduunku.
“Sidaasi daraadeed, shaqaalahana waxa looga baahan yahay in intaasiba laga helo, kolay waxa ugu horreeya ee aan shaqaddana ka bilaabi doono waa in aan ka shaqeeyo dib-u-habaynta (reform-ka) xafiiska gudihiisa. Carabtu waxay yidhaahdaa; “Intaanad dharka xidhanin horta adigu maydho.” Waa maxay macnuhu? Adiga oo salliid leh oo gaadhi ka shaqeeyey, haddii aad khamiis cad xidhato, kadinkaas marka aad sii socoto wuu madoobaanayaa. Markaa waxa loo baahan yahay in aad adigu marka hore is-nadiifiso, markaas ayaad wax nadiifin karaysaa,” ayuu yidhi Hanti-dhawraha cusub.
Md. Axmed Yuusuf Dirir, ayaa sidoo kale iftiimiyey inuu ku dedaali doono sidii loo hirgelin lahaa nidaam wadashaqayneed oo dhexmara Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka iyo Guddiyada Golaha Wakiillada Somaliland u qaabilsan ilaalinta hantida qaranka iyo maamul-wanaagga.