Araweelo News Network

bashariyoxaaskiisaDiminish (ANN) Xaaska Madaxweynaha dalka colaaddu ragaadisay ee Suuriya oo magaceeda la yidhaa Asma Al-Assad, ayaa soo bandhigtay codsiyo ay diiday oo uga yimi caalamka intii uu socday dagaalka muddada shanta sanno ah ka socda waddankeeda.
Marwo Asma waxay sheegtay in dhawr codsi oo kala duwan lagaga dalbaday iyada iyo carruurteeda inay ka qaxaan dalka Suuriya, loona soo bandhigay damaanad ay ku helayaan deganaansho, nolol iyo ammaan sugan, si ay uga badbaadaan dagaalka lagaga soo horjeedo dawladda odaygeedu hoggaamiyo ee ka dhashay kacdoonkii shacabku bilaabay sannadkii 2011-kii, balse ay diiday oo ay go’aansatay inay ku noolaato dalkeeda oo ay wehel u ahaato saygeeda, kadib markii ay aragtay in ujeeddooyin kale laga leeyahay codsiyadaasi.
“Weligay kumaan fikirin inaan tago meel kale oo aan ahayn Suuriya…Haa, waxa la sii soo bandhigay fursad aan kaga tago Suuriya ama aan kaga cararo, waxaanna codsiyadaa ku jiray dammaanad-qaad ammaan iyo ilaalin ay helayaan carruurtaydu iyo xataa in dhaqaalahayagu suganyahay,” ayey tidhi Marwo Asma Al-Assad oo waraysi siisay telefishanka Ruushku leeyahay ee la yidhaa Russia24 shalay oo Jamhuuriya soo xigtay.
Haseyeeshee, waxay ku tilmaantay codsiyadaasi inay ahaayeen wanjal lala doonayey, inkastoo aanay carrabaabin cidda dalabyadu uga yimaadeen, waxaanay tidhi, “Uma baahna caqli badan in la ogaado ujeeddada dadkani lahaayeen. Muu ahayn weligii wax noo wanaagsan amaba carruurtayda, waxa si badheedh ah loo doonayaa in la dilo kalsoonida dadka reer Suuriya ku qabaan Madaxweynahooda.”

Haweenayda u dhaxday Madaxweynaha Suuriya oo da’deedu tahay 41 sanno jir ku dhalatay dalka Ingiriiska, una dhashay saddex carruur ahi waa markii u horreysay ee ay la hadasho hay’ad warbaahin caalami ah tan iyo intii uu bilaabay kacdoonka xukunka ninkeeda lagaga soo horjeedo sannadkii 2011.
Waraysiga Marwo Asma Al-Assad waxa uu ku soo beegmay xilli dawladda Ruushku ku dhawaaqday xabbad-joojin ku-meelgaadh ah oo muddo siddeed saacadood ah ciidamadeedu duqaynta ka joojinayaan magaalada Aleppo ee Suuriya, halkaas oo duqaynta aan kala sooco lahayn ee ay ka wadeen cambaarayn xoog leh kaga timi caalamka.
Sidoo kale, waxa waraysigani yimi xilli dadka ku dhintay colaadda Suuriya tiradoodu marayso 300,000 qof (saddex boqol oo kun) muddo shan sanno ah.